R/Wasaaraha DFKM Abdiweli Mohamed Ali oo soo gaaray dalka Sweden Warsaxaafadeed

February 29, 2012 - Written by
Sweden:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo maanta soo gaaray magaalo madaxda Stockholm ee dalka Sweden ka dib markii uu soo dhameystiray booqasho uu maalmahan ku joogey Norway.
Ra’iisul Wasaaraha Sweden Fredrik Reinfeldt oo ah Ra’iisul Wasaarihii 32aad ee dalka Sweden iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Prof Abdiweli Mohamed Ali oo ah Ra’iisul Wasaarihii 5aad ee ay TFG yeelato tan iyo 2004tii ayaa waxey ka wada hadleen xiriirka labada dal, shirkii London iyo sida ugu habboon ee Somalia iyo Sweden uga wada shaqeyn karaan sii xoojinta horumarka baaxadda leh ee Xukuumadda FKMG ah ku tallaabsatay 6dii bilood ee la soo dhaafay, gaar ahaan soo afjaridda Xilliga KMG ah iyo dhaqangelinta Roadmapka iyo heshiisyadii Garowe.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa isla maanta kulan dheer oo qado ah la qaatay Marika Fahlen oo ah Ergeyga Gaarka ah ee Dowladda Sweden u qaabilsan arrimaha Geeska Africa iyo mas’uuliyiin ka socotay Wasaarada Arrimaha Dibedda ee Sweden.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa lagu wadaa maalinta 1da Maarso uu fiidkii kulan la yeelan doono Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Sweden oo qabanqaabo xoog leh ugu jirta soo dhoweynta Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya oo beryan booqashooyin rasmi ku soo kala bixiyey Brussles, Midowga Yurub, London, Norway iyo hadda oo uu ku sugan yahay Sweden.
Abdirahman Omar Osman (Eng. Yarisow)
Senior Advisor to the Prime Minister of Somalia & Spokesperson of the Government

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online