Al-Shabaab oo weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo Itoobiyaan ah oo marayey Jiiro Mad-Sheekh

April 14, 2012 - Written by

Baydhabo:-Ciidamada Al-Shabaab ayaa maanta weerar gaadmo ah ku qaaday ciidamo itoobiyaan ah kuwaas oo marayey deegaanka Jiiro Mad-Sheekh oo ku dhow degmada Bardaale ee gobolka ee gobolka Bay waxaana uu dagaalku ahaa mid culus oo socday mudo ku dhow saacad.

Saraakiil u hadlay Ururka Al-shabaab ayaa sheegay inay maanta khasaaro balaaran u geysteen kolonyo ciidamo itoobiyaan ah oo ku socday Degmada Bardaale waxayna sheegeen in ay dileen askar badan oo itoobiyaan ah.

Sidoo kale ciidanka al-Shabaab ayaa weerar ku qaaday ciidamo itoobiyaan ah oo ku sugnaa deegaanka Awdiinle ee gobolka Bay waxaana weerarka lagu dilay askar ka tirsan DFKM iyo kuwa Itoobiya.

Ciidamada Itoobiya iyo kuwa DFKM ayaa howlgalo ka sameeyey deegaanada Awdiinle Jiiro Mad-Sheekh  iyaga oo soo qabtay dad rayid ah sida ay sheegeen dad goobjoogayaal ah .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online