Dagaal ka soconaya deegaanka Muudaale ee gobbolka Gedo

April 9, 2012 - Written by

Gedo:-Wararka saaka naga soo gaaraya Degmada Baardheere ayaa sheegaya in dagaal culus uu ka socdo deegaanka Muudaale ee gobolka Gedo ka dib markii ay ciidamada DFKM iyo kuwa Kenya ay duulaan ku soo qaadeen deegaanka Muudaale waxaana jilibka u dhigay ciidanka Al-Shabaab oo difaacyo adag ku lahaa duleedka deegaanka Muudaale ee gobalka Gedo.

Deegaanka Muudaale  ayaa u jira qiyaastii 50-km u jira degmada Baardheere ee gobbolka Gedo waxaana wili ka socda halkaas dagaal culus oo la sheegayo in ay qeyb ka yihiin diyaaradaha dagaalka ee dalka Kenya kuwaas oo duqeyn kuwada degaanka Muudaale sida dad goobjoog ah ay u sheegeen saxaafada.

Saraakiil katirsan Ciidamada DFKM iyo kuwa Kenya ayaa dhowr mar weeraro ku qaaday deegaanka Muudaale iyaga oo ku fashilmay in ay qabsadaan ama ku dhawaadaan Degamada Baardheere oo ah degmo muhiim ah .

Degmada Baardheere ayaa waxaa gacanta ku haya ciidanka Al-Shabaab waxaana ku sugan masuuliin sare oo ka tirsan Al-Shabaab oo uu ka mid yahay Afhayeenka ururka Al-shabaab Cali Maxamuud Raage (Cali Dheere) ee dhawaan ku biiray ururka Al-qaaacid.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online