Shabakaddaha faafiya beenta iyo cayda culimada oo soo kala gooyey muxaadaro uu lahaa Sh Cabdul qaadir Nuur Faarax (Dhagayso)
April 19, 2012 - Written by
Garoowe: Shabakkada Wararka Halgan.net ayaa waxaa ay wajiga ka feydi doontaa cod la sheegay in Sheekh Cabdul qaadir Nuur Faarax uu leeyahay iyadoo codka Sheekha lagu soo beegay xili Dastuur cusub oo ay yeeltay Puntlland lagu ansixiyey magaalada Garoowe shalay. Howl wadeenada Halgan.net ayaa ku guulaystay ka dib markii ay daba gal ku sameeyeen kuwa lagu ibtileyey cayda culimada iyo weliba ka beensheegidooda oo u furtay baro Internetka ah oo ah kuwo ka dhar la’a akhlaada suuban ee Islaamka lagu yaqaan.
Been abuuro ay faafiyaan webabka ibtilaysan ayaa Shabakada wararka Halgan.net ay dhowr jeer oo hore ay u bayaanisay dadka soomaaliyeed ee ku nool dunida daafaheeda waxaan beenihii ugu weynaa ee dhawaan aan dadka soomaaliyeed u cadaynay ka mid ahaa ku been abuurashadii Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax oo ay sheegeen in uu Mahiga ,Uganda, Burundi, Itoobiya, iyo Beesha caalamka uu u mahad celiyey.
Halkaan ka fiiri been abuurkii ay ka sameeyeen hadda ka hor Sh Cabduqaadir Nuur Faarax
Run ahaantii Halgan.net ma rabin inay u jawaabto Mareego diin ka dhigtay amaano daro cilmi,ku been abuurasho culimada Soomaaliyeed , Shabakaddahaas ayaa dhaqankoodu yahay xadgudub iyo been , beena iyo cayna cidna kaama celiso ee adiga un bay aakhira ku dhibaysaa waxaan kugu filan oo kaliya in bulshada Soomaaliyeed ay ku yiraahdaan war Sheekh hebel iyo Sheekh hebel waan naqaan ileen adiga xagee naga soo gashay culimada dalka Soomaaliya in mudo ah bay umada Soomaaliyeed dhex joogeen waana la yaqaan waxa ay umada u soo qabteen .
Haddaba Akhristo bal aan kuu bindhaamino Cajalka laga soo jaray codka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax allaha dhowree isaga iyo culimada Soomaaliyeedba , codka Shiikh Cabdqaadir Nuur Faarax ayaa waxaa laga soo jaray tacliiq kooban oo uu ka jeediyey Muxaadarado uu jeediyey Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed Nadwo cilmiyeed ka dhacday magaalada Qardho, 17 ilaa 23 bisha July, 2009 kii oo uu Shiikh Cabdi Naasir Xaaji Axmed uga hadlay isku xukunka Kitaabka Alle iyo Sunadiisu wa waajib.
Sh.Cabdinaasir Xaaji ayaa si wanaagsan oo shaafi ah dadweynihii dhagaysanayey muxaadarada ay uga faa’iidaysteen iyadoo markii uu Shiikhu dhameeyey muxaadarada uu Tacliiq kooban uu saaray Fadiilatu Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax allah dhowree.
Hoos ka Dhagayso codkii laga soo jaray tacliiqa Sh Cabdi Naasir Xaaji Axmed
Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa hadalkiisa ku bilaabay in uusan doonaynin in uu tacliiq saaro muxaadaro uu jeediyey Sheekh Cabdi Naasir Xaaji Axmed oo uu Sheekhu ku sheegay nin aan muxaadaraadkiisa laga dabategin oo uu Sheekhu ula jeeday in Sh Cabdinaasir Xaaji uu si xeel dheer u soo diyaariyo muxaadaraadkiisa.
Sh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu Tacliiqiisa uga digayaa dadka dhaleeceeyey Shareecada Islaamka oo yiraahda gacmaha baa la is goynayaa oo u qaatay in shareecaduba ay tahay xuduuda oo kaliya oo ilawsan in shareecadu ay tahay in wax walba oo uu alle ku amray aad la timaado kuna dhaqanto , Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa sheegay in dadka qaar ay moodaan in haddii Shareecada Islaamka la isku xukumo in wadaado kaliya ay dadka u talinayaan oo iyagii la xaaqayo balse arrinkaas ayuu shiikhu ku sheegay in ay yihiin khalad ay fahmeen kuwa Cilmaaniyada ah iyo kuwa siyaasada ka ag dhow ama kuwa bartay qaanuunada ajanabiga ah.
Sh. C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa uu tacliiqa ku cadeeyey in ay jiraan arrimo dhowr ah oo hortaagan in dadku ay shareecada isku xukumaan waxaa uu yiri Shiikhu waxaa kow ka ah, dad soomaaliyeed oo iyagu reer galbeedka soo tarbiyeeyeen oo raba qaanuno kale ,Madaxda islaamka oo ka baqanaysa reer Galbeedka haddii ay shareecada qaataan iyo reer galbeedka laftigooda oo duulaan ku ah in ay horistaagaan Shareecada islaamka.
Hoos ka Dhagayso codkii laga soo jaray tacliiqa Sh Cabduqaadir Nuur Faarax
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/sheekhCQaadirdastuur.mp3]Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa waxaa kale oo uu xusay in ay ka mid tahay wax yaabaha dad weynaha ka hortaagan shareecad Islaamka dadkii oo aan ka warqabin ama jahli uga sugan ku dhaqanka shareecada Islaamka sidaas darteedna loo baahanyahay in dadka wax l abaro.
Hoos ka Dhagayso Tacliiqii Sh Cabduqaadir Nuur Faarax ee codka laga soo jaray oo dhamaystiran
[audio:http://www.halgan.net/Mp3/WujuubutaxakumilakitaabiAllaahTacliiqCabdiqadir.mp3]Sheekh.C/qaadir Nuur Faarax ayaa sidoo kale xusay in dadweynaha Soomaaliyeed ay yihiin dad Muslimiin ah wax badan ka og islaamka aadna ugu dhow in ay ku dhaqmaan Shareecada Islaamka sidaas dar teedna loo baahan yahay in lagu dhaqo sharciga Islaamka isagoo ugu baaqay Puntlland in ay shareecada dadeynaha ku dhaqaan isagoo Shiikhu sheegay in maanta cid walba ay qirayso in xalka kaliya uu yahay shareecada islaamka oo kuwii xitaa Cilmaaniyada ahaa iyo kuwii wax ka soo bar tay qaanuunka iyo xitaa kuwa ku jira maamulka Puntlland ay qireen in shareecadu tahay xalka kaliya ee umada Soomaaliyeed.
Sheekh.Cabduqaadir Nuur Faarx ayaa sheegay in Dastuurka u yaal Puntlland in uu yahay mid aad u fiican soo dhaweynaya Shareecada Islaamka intii la doono haddaba Shiikh Cabduqadir Nuur Faarax iyo culimada la midka ah ee aqoon diin iyo mid khibradeedba leh miyaa u aqoon badan Dastuurka ay qorteen Puntlland iyo maamulada kaleba oo ay culimada naseexooyin iyo talo bixin badan ka bixiyeen si shareecada Islaamka loo waafajiyo.
Dastuurka Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax ee dad Soomali ah qorteen miyaa u dhow shareecada Islaamka mise kan Maraykanka iyo Ingriiska iyo dalalka Yurub oo ay joogaan kuwa beenta faafiyey iyo cayda culimada haystan qaarkood dhalashada dalalkaas oo qofka qaadanaya aan ognahay waxyaabaha laga saxiixo.
Shiikh Cabduqaadir Nuur Faarax ayaa si cad u sheegay in xalku yahay shareecada Islaamka umada Soomaaliyeedna ayna diyaar u ahayn wax kasta oo khilaafsan shareecada Islaamkana lana ogaaday in uusan waxba tarayn,Waxaa alle mahadiis ah in bulshada Soomaaliyeed ay ogtahay culimada Soomaaliyeed ee uu ku jiro Sheekh Cabduqaadir Nuur Faarax in loo dhibaateeyey in ay umada u sheegaan in shareecadu tahay xal xabsina u soo galay halka qaar kalena ay ku dhinteen Xabsiga kuwa kalena loo dilay maxaad shareeecada Islaamka dadka ugu yeeraysaan.
Haddaba akhristo waxaad ogaatay in cajalka Shiikh C/qaadir Nuur Faarax codkiisa laga soo jaray uu ahaa 2009-kii Nadwo ka dhacday magaalada Qardho haddaba waa maxay u jeedadad hadda loogu soo beegay waad garan kartaa oo waa Habar dhaliwey day alleelo ku waalatay bay soomaalidu tiraahdaa ama nin daad qaaday xubo cuskay.
C/Casiis Maxamed
Halgan.net

.gif)

