Taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Bari Col.Cismaan Axmed Afdalow oo la hadlay saxaafada

April 30, 2012 - Written by

Taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Bari Col.Cismaan Axmed Cawke Afdalow oo maanta la hadlay saxaafadaa ayaa xusay in amaanka magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga degaanada Puntlland ay tahay mid wanaagsan. Taliyaha qaybta ciidanka Booliska ee gobolka Bari Col.Cismaan Axmed Cawke ayaa sheegay in howl galo ay ciidanka Boolisku ka sameeyeen xaafadaha kale duwan ee magaalada ay ku soo qabteen dad doonayey in dilal iyo qaraxyo ka fuliyaan magaalada Boosaaso.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari Col. Cismaan Afdalow ayaa waxaa uu mahad u soo jeediuyey dadka shacabka ah ee ku nool Boosaaso oo wadashaqayn fiican la sameeya laamaha amaanka ee ciidanka Booliska taas oo sababtay in ay magaalada Boosaaso aysan ka dhicin qaraxyo iyo dilal qorshayn oo loo geysan jiray dadka wax ku oolka ah ee ku nool magaalada Boosaaso.

Taliyaha qaybta Booliska ee gobolka Bari Col. Cismaan Afdalow ayaa ku nuuxnuuxsaday in ciidanka Booliska iyo laamaha amaanka ee Gobolka Bari  ay sii wadi doonaa howl galada ay ku baacsanayanaa kuwa doonaya in ay qaraxyo iyo dilal ka fuliyaan gudaha magaalada Boosaaso  si nabadgelyadu u burburto amaankuna faraha uga baxo.

 M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online