Wafdi ka socda Bangiga Aduunka iyo Booliska Interpolka oo gaaray Garoowe

April 10, 2012 - Written by

Qardho:-Waxaa maanta soo gaaray magaalada Garoowe ee caasimada dowllada Puntland wafdi ka socda Bangigga Aduunka iyo Booliska loo yaqaan Inter polka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga Daroogada iyo danbiilayasha UNODC, wafdigaan ayaa markii ay soo gaareen magaalada Garoowe waxaa  soo dhaweeyey masuuliyin ka tirsan dowllada Puntlland.

Wafdiga ka socda Bangiga Aduunka iyo Madaxd Interpolka  UNODC ayaa waxaa ay kulamo gaar ah la qaateen Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdi raxmaan Faroole iyo Wasiirka dekeddaha iyo gadiidka Badda ee Puntland Eng.Siciid Maxamed Raage , Wafiga ka socda Bangiga Aduunka ayaa waxaa ay horay ugu balan qaadeen Puntlland in ay ka fulin doonaa mashaariic wax looga qabanayo burcadbadeedka.

Wasiirka dekeddaha iyo gaadiidka Badda ee Puntland Eng, Siciid Maxamed Raage  ayaa saxaafada u sheegay in ciidanka Booliska ee loo yaqaan Interpolka ay kala hadleen lacagaha faraha badan ee la siiyo kooxaha buracadbadeedka ah iyo shaqsiyaadka kale duwan ee u qaabilsan dulaalka ee ku nool dalka dibada  una qaabilsan la xiriirka caalamka marka ay burcadbadeedku ay qabsadaan Maraakiibta.

Wafdiga ka socda Bangiga Aduunka Booliska loo yaqaan Interpolka ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortaga daroogada iyo danbiilayasha ayaa ilaa hadda waxaa ay kulamo gaar gaar ah la qaateen wasaaradaha Puntlland ee kala ah wasaarada maaliya , Wasaarada Arrimaha gudaha , Wasaarada ganacsiga.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online