Xildhibaan Mowliid Macaani oo ku geeriyooday magaalada Nairobi

April 8, 2012 - Written by

Nairobi:-Xildhibaan Mowliid Macani ayaa saaka waabarigii ku geeriyooday magaalada Nairobi ee xarunta Kenya geerida Marxuum Mowliid Macaani waxaa warbaahinta u xaqiijiyey eheladiisa iyo Safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya Max’ed Cali America

Marxuum Mowliid  Macaani ayaa waxaa uu ka mid ahaa raxan dhaawac ah oo shalay ay DFKM keentay isbitaal ku yaal dalka Kenya gaar ahaan magaalada Nairobi  waxuuna u geeriyooday dhaawac ka sooo gaaray qaraxii ka dhacay Tiyaatarka.

Xildhibaan Mowliid Macaani ayaa waxaa uu ka tirsanaa baarlamaanka DFKM in mudo ah waxaana uu soo qabtay xilal kala duwan isaga oo soo noqday  wasiirkii ciyaaraha ee xukuumaddii Ra’iisul-wasaare Pro.Cali Maxamed Geeddi .

Marxuun Mowliid Macaani ayaa waxaa lagu yaqaanay inta uusan ku soo biirin masraxa siyaasadeed in uu ahaa Garsoore  dhinaca ciyaaraha kubada cagta mudo aad u dheer.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
April 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
30  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online