Dowradii tababarka maamulayaasha Macaahida Shareecada Islaamka oo gashay maalintii 3aad [SAWIRRO]

July 15, 2012 - Written by

Garoowe:-Dowradii maamulayaasha  macaahida shareecada ee dalka Soomaaliya  uga socotay magaalada Garoowe  ayaa gashay maalinteedii 3aad iyadoona ay si habsami lehna uga  socota  masjidka weyn  AL-hudaa  ee ku yaala  magaalada Garoowe, dowradaan oo ay soo  qabanqaabisay Dalladda macaahidda shareecad ee Soomaliya  ayaa waxaa kamid ahaa duruustii lagu qaatay  maanta , maaddooyinka ay ka mid ahayd : saxaafadda iyo xiriirka ay la leedahay dacwada waxaana soo jeediyay  ustaad  Maxamed Cumar Axmed.

no images were found

Siminaarka ayaa lagu wadaa in uu sii socon doono maalmaha soo socda ayna duruus kale ka bixin doonaan Macallimiin kale duwan oo loo qorsheeyey in ay ka qeyb galayaasha Siminaarka casharo kale duwan u jeediyaan. Dowradan ayaa ah midii labaad ee ceynkeeda ah ee loo qabto maamulayaasha Macaahidda Shareecada Islaamka ee dalka Soomaaliya waxayna Maamulayaasha Siminaarka loo qaybtay ka kala yimaadeen Gobollada dalka Soomaaliya oo ay ku yaalaan Macaahid lagu barto culuumta sharecada Islaamka .

Dowradii tan ka horeysay ayaa waxaa sanadkii tegay lagu qabtay Magaalada Hargeysa ee caasimada Maamulka Somaliland waxaana sida muuqata sanadkaan lagu qabtay Magaalada Garowe ee Caasimada Maamulka Puntland.

Halgan.net/Somalimirror

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online