Al-Shabaab oo soo bandhigay Maxaabiis Kenyaan ah digniina u dirtay dowlada Kenya

January 23, 2013 - Written by

KataibFoundationMuqdisho:-Ururka Al-Shabaab ayaa soo bandhigay muuqaalo iyo masawiro ay leeyihiin Maxaabiis Kenyaan ah kuwaas oo ay Ururka Al-shabaab ka afduubeen gudaha dalka Kenya .Mu’assasada Warbaahinta ee Ururka Al-Shabaab ee Al-Kataa’ib ayaa baahisay Filim Muuqaal ah oo ka soo muuqdeen Maxaabiis Kenyaati ah.

Ururka Al-shabaab ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ay sii daayeen dhamaan maxaabiista Muslimiinta ah oo ay dowlada Kenya ku xirtay dalkeeda iyo kuwa ay u gacan galisay dowlada Ugandha .

Ururka Alshabaab ayaa sheegay in mudada digniinta loo dirayo dowlada Kenya ay ka bilaabaneyso 24-01-2013 waxaana ay dowlada Kenya heystaa muddo 3 todobaad gudahood ah.

Ururka Al-Shabaab ayaa waxaa sidoo kale uu sheegay in hadii dowlada Kenya ay fulin weydo shuruudaha kor ku xusan ay xukun dil ah ku fulin doonaan Maxaabiista Kenyaanka ah oo gacanta ugu jira Ururka Al-Shabaab.

Digniinta ay Ururka Al-Shabaab u direen dowlada Kenya ayaa ku soo beegmaya xili la kala diray baarlamaanka dalka Kenya ayna socdaan loolan siyaasadeed oo xoog leh waxaana sidoo kale raaf iyo dhibaato badan lagu hayaa jaaliyada Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Kenya gaar ahaan xaafada Islii.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online