Ciidamada Faransiiska oo xalay weeraray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh Hoose

January 12, 2013 - Written by

Afgooye:-Ciidamada Kumaandooska ee dalka Faransiiska ayaa xalay weeraray deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh Hoose iyaga oo doonayey in ay soo furtaan sarkaal ka tirsan ciidamada nabadsugida dalkaas oo gacanta ugu jira Ururka Al-Shabaab.

Xalay saqdii Dhexe ayaa waxaa mar qura laga maqlay deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh Hoose Iska-horimaad culus oo u dhexeeya ciidamo Faransiis ah iyo Ururka Al-Shabaab waxaana iska horimaadka uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac .

Howlgalka ciidanka Faransiiska ee deegaanka Buulo-Mareer ayaa imaanaya saacado ka dib markii Madaxweynaha dalka Faransiiska uu si rasmi ah u sheegay in  ciidamo Faransiis ah ay faragelin milateri ku sameeyeen dalka  Mali, si ay u garab istaagaan dowlada Mali.

Dadjoobjoogayaal ah ayaa u sheegay Wakaalada wararka ee AFP in ciidamada Kumaandooska ee dalka Faransiiska ayaa doonayay inay xoog ku soo furtaan Denis Allex oo ka mid ahaa sirdoonka dalka Faransiiska kaas oo lagu afduubay dalka Soomaaliya July 2009.

Ururka Al-Shabaab ayaa warmurtiyeed ka soo saaray weerarka xalay ay ciidamada Faransiiska ku qaadeen guri ku yaal deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh Hoose waxayna sheegeen in weerarka ay ku dileen askar faransiis ah ayna gacanta ku hayaan haatan askari dhaawac ah .

Dhanka kale War saxaafadeed haatan ka soo baxay wasaarada G/dhiga ee dalka faransiiska ayaa lagu sheegay in ciidamada kumaandooska ee dalka Faransiiska ay xalay weerar ku qaadeen deegaanka Buulo-mareer ee gobolka Sh Hoose si ay u soo furtaan Denis Allex oo ka mid ah sirdoonka ciidanka Faransiiska oo afduub loogu haystey Soomaaliya

Warsaxaafadeedka ayaa sidoo kale waxaa lagu sheegay in Denis Allex ay dileen kooxihii heystay markii weerarka ay ku qaadeen ciidamada faransiiska waxaana goobta ku dhintay 17 ka tirsan Al-Shabaab iyo laba askari oo Faransiis ah sida ay wasaarada G/dhiga ee dalka Faransiiska ay ku sheegtay warsaxaafadeedkeeda.

Ururka Al-Shabaab ayaa beeniyey in uu dhintay Denis Allex waxaana ay sheegeen in uu badqabo oo uu wili noolyahay waxaana ay ku faafiyeen warsaxaafadeed barta ay Ururka Al.Shabaab ku leeyihiin Twitterka

Halkan ka Akhriso Bayaankii ay Ururka Al-Shabaab ka soo saareen weerarkii ay ciidamada Faransiiska ku qaadeen guri ku yaal deegaanka Buulo-mareer

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online