Madaxweynaha Puntland oo xalay khudbad ka jeediyey xarunta Madaxtooyada Boosaaso

January 9, 2013 - Written by

Boosaaso:-Madaxweynaha dowlada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa xalay uu khudbad ka jeediyey xaflada uu ugu dabaal degayey sanadguuradii 4aad ee ka soo wareegtay markii xilka loo doortay isaga iyo madaxweyne ku xigeenka dowlada Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire.

Madaxweynaha dowllada Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu khudbadiisa uga hadlay waxqabad ka xukuumadiisa ilaa inta uu xilka hayey iyo markii xilka uu la wareegay qaabkii ay u shaqaynayeen hay,addaha kale duwanaa ee dowlladii ka horaysay gaar ahaan  dhismihii laamaha ciidanka.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa ku sheegay khudbadiisa in dowlladiisu ay sanadkii ugu horeeyey  ay wax ka qabteen isla baadi doonka ciidankii daraawiishta , Booliska, iyo Nabadsugida oo habac baahsan uu ku yimid arrinkaasna ay guul ka gaareen taas oo buu yiri suurtagal ka dhigtay in aan sugno amaanka  iyo in ku adkaano  dagaaladii aan la galnay ururka Al-shabaab ee Buuraha GalGala iyo kooxaha burcadbadeedka  ah.

no images were found

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa kale oo waxqabadka dowlladiisa intii ay tala haysay waxaa uu  sheegay in ay wax ka qabteen kobcinta dhinac kaabayaasha dhaqaalaha Puntlland iyo in ay guul ka gaareen is afgarad buux in ay la galaan madaxda DFKM , UN-ka taas oo sahashay in shirar caalami ah lagu qabto  Garoowe laba jeer iyo magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa xusay in dowlladiisu ay horseed iyo laf dhabar u ahayd in dalka Soomaaliya laga saaro marxalada ku meel gaarka ah iyo in Dastuur Federaal ah loo sameeyo arrinkaas oo dowladu wax weyn ka qabatay.

Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmaan Shiikh.Maxamed Maxamuud oo soo hadal qaaday siyaasada dhinac Jubooyinka iyo maamul u samaynta ayaa baaq u diray Madaxda DFS isagoo ugu baaqay in bulshada ku dhaqan Gobollada Jubooyinka ay mudnaanta koowaad ay leeyihiin in ay maamul Goboleed samaystaan dowlladda Federaalkan ay wixii farsamo ah ku taageerto.

Ugu danbayntii ayaa Madaxweynahadowllada  Puntland Dr.Cabdiraxmaan Sh.Maxamed Maxamuud Faroole ayaa waxaa uu ka digay in wax is bedel ah lagu sameeyjo Dastuurkii Federaalka ahaa ee Soomaaliya  kaas oo buu yiri ahaa kii lagu hishiiyey wax ka bedelkiisuna waxaa uu abuuri karaa is qabqabsi siyaasadeed iyo in dib loogu noqdo marxalado jahwareer ahaa oo hadda laga soo gudbay.

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

 

 

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online