Wafdi culuma ah oo socdaal dacwo ku tagay tuula Jalam

January 27, 2013 - Written by

Ardayda_JalamJalam:-Wafdigii culumada ahaa ee socdaalka dacwadeed ku marayey qaybo ka mida gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa maalinimadii 22/01/13 soo gaaray magaalada Jalam, waxaana soo dhaweeyey ku xigeenka duqa magaalada Sheekh C/risaaq Diiriye (Sangod) iyo Sheekha magaalada Sheekh Daahir Cali Shire, ka dibna wafdigu wuxuu booqday Madrasada Alxikma oo lagu xafido Qur’aanka, laguna qaato waxbarashada aasaasiga ah, waxaana ardayda kalimad u jeediyey Sheekh Jaamac Siciid, wuxuuna weydiiyey su’aalo isugu jira Qur’aanka, luqadaha carabiga iyo Ingiriiska iyo su’aalo aqoon guud ah, taas oo ay si wanaagsan uga wada jawaabeen.

Intaa ka dib wafdigu wuxuu booqday dugsiga H/dhexe ee magaalada Jalam, waxaana halkaa ku soo dhaweeyey maamulaha dugsiga Cumar Ciise (Iliglamaan), ka dibna waxaa ardayda la hadlay Sheekh Axmed C/samad, wuxuuna si gaara ugu boorriyey barashada diinta, xoojinta waxbarashada, inay ku dadaalaan cibaadada, akhlaaqda wanaagsan iyo walaalnimada, ayna ka dheeraadaan qabyaaladda iyo waxyaabaha ummadda kala geeya.

Intaa ka dib Wafdigu wuxuu kulan la qaatay waxgaradka magaalada oo ay hoggaaminayaan duqa magaalada C/wali Cali Geelle iyo ku xigeenkiisa C/risaaq Diiriye (Sangod), madaxa ganacsatada magaalada Xasan Cawl iyo Sheekh Daahir Cali shire.

Culumadu waxay u soo jeediyeen waxgaradka magaalada in dhaqso loo aasaaso dugsiga sare oo muddo lagu taamayey, in la xoojiyo waxbarashada diinta, loona hawlgalo sidii mac-had diini ah loogu samayn lahaa magaalada, in beeluhu iska xilsaaraan sidii dadkooda miyiga ay aqoonta iyo wacyiga uga caawin lahaayeen, iyo in bulshada reer Jalam noqoto mid is jecel oo khayrka isu kaashata, ayna ka dheeraato qabyaaladda iyo ficiltanka dib u dhigaya.

Waxgaradka magaaladu waxay soo dhaweeyeen, una mahadeceliyeen wafdiga, waxayna balanqaadeen inay xoogsaari doonaan fulinta arrimaha ay usoo jeediyeen, waxayna culumada ka codsadeen in la badiyo booqashooyinka noocaan oo kale ah, in lagu caawiyo hirgalinta arrimaha ay kala hadleen gaar ahaan dhinaca waxbarashada.

no images were found

Waxaa xusid mudan magaalada Jalam inay ka mid tahay magaalooyinka ugu waaweyn, uguna dadka iyo deegaanka ballaaran gobolka Nugaal, ayna u baahantahay in sare loo qaado heerkeeda aqooneed iyo wacyi, lagana hormariyo dhinac walba. Xilkaasna wuxuu ugu horrayn saaranyahay dadka deegaanka gaar ahaan dadka wax u soo bartay ee ku kala nool daafaha adduunka.

Ugu dambayn culumada waxaa qado loogu sameeyey magaalada, waxaana sii sagootiyey ku xigeenka duqa magaalada C/risaaq Sangod, Sheekh Daahir iyo madaxa ganacsatada Xasan Cawl,waxayna u baqooleen dhinaca magaalada Buurtinle oo ka mid ahayd magaalooyinka culumadu booqanayeen.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online