Wafdi culumo ah oo booqday magaalada Kalabayr ee gobolka Nugaal

January 25, 2013 - Written by

kalabeydhGaroowe:-Wafdi culumo ah oo uu hoggaaminayey Sh. Axmed C/samad oo socdaal dacwadeed ku marayey magaalooyin ku yaal gobolada Nugaal iyo Mudug ayaa 22/07/2013 booqday magaalada Kalabayr oo 60km galbeed ka xigta magaalada Garoowe. Waxaa Sheekh Axmed socdaalka ku weheliyey culumo ay ka mid yihiin Sheekh Jaamac Siciid, Macalin Mukhtaar Sheekh Maxamuud iyo Macalin C/waduud yuusuf oo ka kala tirsan Mu’assasada Alminhaaj ee dacwada iyo horumarinta, iyo Hay’adda samafaraidda iyo xumo reebidda.

Wafdiga waxaa magaalada ku soo dhaweeyey Sheekh C/risaaq Aadan Diiriye oo ka mida culumada magaalada, Mudane Abshir C/laahi Xaaji oo ah duqa magaalada, maamulaha dugsiga Kalabayr Axmed Maxamed yuusuf iyo qaar ka mida odayaasha magaalada.

Duqa magaalada ayaa warbixin kooban wafdiga ka siiyey magaalada Kalabayr iyo deegaanka ku xeeran, ka dibna wafdiga oo ay weheliyaan duqa magaalada iyo Sheekh C/risaaq ayaa booqday Iskuulka magaalada .Magaalada ayaa leh dugsi H/dhexe iyo sareba, waxayna ardayda iyo macalimiinta u soo jeediyeen wacdi iyo wacyigalin taabanaysa dhinacyada diinta, waxbarashada, xoojinta xiriirka bulshada iwm.

Ka dib culumada iyo odayaasha magaaladu waxay quraac sharaf u sameeyeen wafdiga, waxayna isdhaafsadeen xog iyo talooyin ay ugu muhiimsanayd in dacwada iyo aqoonta la gaarsiiyo tuulooyinka iyo miyiga, in ardayda loo bilaabo duruus isugu jirta tafsiir iyo siiro, magaalada Kalabayrna laga sameeyo mac-had diinta lagu barto; si ardaydu u helaan aqoon diimeed iyo mid maaddi ah, ayna uga faa’iidaystaan dadka waaweyn rag iyo dumarba. Ugu dambayntii culumada iyo odayaasha magaalada ayaa sii sagootiyey wafdiga culumada oo u ambabaxay dhinaca tuulo Jalam.

Waxaa xusid mudan in magaalada kalabayr ay xurun u tahay dhul ballaaran oo leh tuulooyin iyo miyi, ayna u baahantahay in laga hormariyo dhinacyo badan; si ay u gudato xilka ka saaran dadka iyo dalka baaxadda leh ee ku xeeran.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
January 2013
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
28293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online