Jaaliyadda Somaliyeed ee Leicester ka tacsiyeyneyaa geeridii naxdinta laheed Sh.C/qaadir Nuur Faarax

February 19, 2013 - Written by

Inaanlilaahi waa inaa ileyhi raajicuun! Jaaliyada Leicester ee England  Waxay  tacsi tiiraanyo leh udireysa dhamaan qeybaha kala duwan ee shacabka Soomaaliyeed guud ahaan , gaar ahaan culumada iyo ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday Sheekh C/qaadir oo gacan ka xaq daran ey ku dishay magaalada Garoowe 15.2.2013.

Waxaan Sheekh C/qaadir Ilaahay uga baryeynaa inuu jannadii Fardowsa ka waraabiyo qabrigiisana Alle u nuuriyo, asxabtiisa, ehel kiisa iyo qoyskiina samir iyo iimaan Allah ka wada siiyo. Aamiin!.  Waxaan dhaleeceyneynaa kuwii ka danbeeyay falkaas foosha xun iyo kuwa ka horeeyay oo la mid ahaa sidii falkii lagu dilay Sheekh Axmed Xaaji C/raxmaan Dec 2011 magaalada Boosaaso, waxaan leenahay kuwa fitnada iyo dhibkaas ku haya shacabka soomaaliyeed Allah ka qabto melwala oo ey joogaan, waxeyna mutaysen doonta cuqubo iyo ciqaabta Alle if iyo aakhiro.

 

Wabilaahi towfiiq!

 

Jaaliya Soomaliyeed ee Lecester,England

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

230,400 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>