Dowlada Maraykanka oo ka digtay tegista Soomaaliya iyo Maamulka Somaliland

February 5, 2013 - Written by

Usa-FlagNairobi:-War  ka soo baxay Safaaradda  Mareykanka ee dalka Kenya, ayaa lagu sheegay in muwaadiniinta dalkaas u dhashay looga digayo inay tagaan guud ahaan Soomaaliya gaar ahaanna Somaliland, waxaana warkaas lagu sheegay iney jirto  khatar ku soo fool leh dadka reer galbeedka ah ee Somaliland ku sugan.

Warka ka soo baxay safaaradda  Mareykanka ee Nairobi, ayaa lagu sheegay in ay Somaliland ka joogaan muwaadiniin ka shaqeeya iyo kuwo booqasho ku taga, balse ay ugu baaqayaan inay si iska jiraan joogitaanka Somaliland, maadaama ay khatari jirto, waa sida warkaas lagu sheegaye.

Somaliland, ayaa 22 sano ka hor ku dhawaaqday inay Soomaaliya ka madax banaan tahay, balse ilaa iyo haatan ma ayan helin aqoonsi caalami ah, adduunkuna waxa uu ku xisaabiyaa Soomaaliya, balse madaxdooda iyo shacabkooda ayaa ku adkeysta in gooni isu taaggooda uu yahay mid aan marnaba laga laaban doonin, waxaana xusid mudan inay ka jirtay hanaan maamul oo la ammaanay iyo nabadgalyo wanaagsan.

Bishii hore ayey ahayd markii sidan oo kale dowladda Britain, ay soo saartay war ay ugu digeyso muwaadiniinteeda ku sugan Somaliland, iyadoona dowladda Somaliland ay ku celcelisay inay nabadgalyo buuxda ay ka jirto Somaliland.

Halgan.net/Somalireal
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online