Puntland oo Warsaxaafadeed ka soo saartay dagaal ka dhacay magaalada Kismaayo

February 25, 2013 - Written by

puntlandGaroowe:-Dowlad gobaleedka Puntland ayaa waxaa ay warsaxaafadeed ka soo saareen shaqaaqo ka dhacday magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose waxaana warsaxaafadeedka ay ugu baaaqeen DFS in ay ka shaqeyso sidii dadka deegaanka u dhisan lahaayeen maamul iyaga

Warsaxafadeedka oo nuqul ka mid ah uu soo gaaray Halgan.net ayaa u qornaa sidan.

Dagaal maalintii shalay 23/2/2013 ka dhacay magaalada Kismaayo ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac waqti ay dadka magaalada Kismaayo ay sugayeen in shirwayne halkaas ka dhaco.

Sida laga warqabo dhawaantan ergooyin ayaa ku qulqulayey magaalada Kismaayo si ay oga qaybqaatan shirwaynaha maamul-u-samaynta Gobolada Jubooyinka.

Ugu horeyn, Dowlada Puntland waxay cambaraynaysa dagaalka Kismaayo ka dhacay waxayna ugu baqaysaa dhinacyada dagaalmaya inay si deg-deg ah u joojiyaan dagaalka iskana ilaaliyan wixii hurinaya colaad. Waxaan xasuusineynaa in shacabka deegaankaas ay ka soo daaleen dagaal iyo colaad.

Waxaan ugu baaqaynaa Dowlada Fedaraalka ah inay ka shaqayso sidii gacan looga siin lahaa dadka degaankas inay dhistaan carqalad la’an maamul ku yimaada rabitaanka dadka si loo helo nabad iyo kala dambayn waarta.

Sidoo kale waxaan Beesha caalamka ugu baaqaynaa inay gacan ka gaystaan maamul-u-samaynta Gobolada Jubooyinka si shacabka uga badbaadan dagaalo hor-leh oo ka dhaca degaankas.

Dawlada Puntland waxay mar labaad ku baaqaysaa in la joojiyo colaada oo aan waxyeello moyane waxtar lahayn habayaraatee.

Ugu dambeyntii, Dawlada Putland waxay ilaahay ugu baryaynaa ummada Somaaliyed inuu solonsiyo wanaaga iyo nabadda.

—-DHAMAAD—

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online