Ra’iisal Wasaaraha DFS oo qaabilay wafdi ka socday dalka Burundi (Warsaxaafadeed)

February 12, 2013 - Written by

IMG_0324Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wafdi ballaaran oo ka socday dalka Burundi kaasoo saddexdii cisho ee ugu dambeysay ku sugnaa magaalada Muqdisho.

Wafdigan ayaa waxaa hogaaminaya xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Burundi, ahna Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Amniga Qaranka Hon. Xakizimana Emilein, waxaana sidoo kale booqashadiisa ku wehlinaya xubno kale oo xildhibaano ah, khubaro Ciidan, ganacsato iyo weriyeyaal.

Gabagabadii kulankooda kadib, Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Saacid oo saxaafadda  la hadlay ayaa ammaan iyo bogaadin u jeediyay Dowladda Burundi, oo iyadu ciidamo kumanaan ah ku soo biirisay howlgalka ciidamada AMISOM. 

no images were found

“Dowladda Soomaaliyeed iyo Burundi waxaa ka dhaxeeya xiriir soo jireen ah, oo waxaan garab istaagnay xilligii ay dhibaatada ku jireen oo ay saraakiisheenu siin jireen tababaro iyo Magangalyo, taas ayaana keentay in maanta ay noo galaan kaalin lama ilaawaan ah oo ay kumanaan Askari oo geesiyaal ah u soo diraan dalka Soomaaliya si ay uga qeyb qaataan sugida amaanka ” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo si gaar ah hambalyo ugu diray madaxda dalka Burundi kuna amaanay go’aankoodaasi geesinimada leh.

Hogaamiyaha wafdigan Hon. Xakizimana Emilein ayaa isna dhankiisa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay fursad u helaan Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya ayna kala hadlaan sidii loo sii dardargelin lahaa howlaha nabadaynta ee AMISOM ay ka wado Soomaliya, wuxuuna tilmaamay in ay ku faraxsan yihiin in Askartoodu ay ka howlgalaan Soomaaliya isla markaana ay guulo ka soo hooyaan howl galada ay amaanka ku sugayaan.

Garad Salad Hersi
Press Officer
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online