Raisulwasaaraha JFS oo magacaabay gudi dhowra xuquuqda Bani’aadamka (Warsaxaafadeed)

February 5, 2013 - Written by

IMG_9825Muqdisho:-Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid) ayaa maanta ku dhawaaqay dhismaha Guddi madax banaan oo ka shaqeeya ka soo talabixinta xadugudbyada ka dhanka ah xuquuqda Bani’aadamka, gaar ahaana falalka kufsiga iyo dilalka loo gaysto  Wariyeyaasha.

Munaasabad ka dhacday xafiiska Ra’iisal Wasaaraha ayaa maanta looga dhawaaqay guddigan, waxaana xaadir ku ahaa goobta dhamaamba xubnaha Guddigan oo ka kooban 13 xubnood, kuwaasoo laga soo dhex xulay Bulshada qeybaheeda kala duwan waxaana ka mid ah, Garyaqaano, Dadka u Dhaqdhaqaaqa Xaquuqda Dumarka, Culumaa’udiin, Saraakiil Boolis oo caan ah, iyo Hogaamiyayaasha Daladaha Waxbarashada. Iyadoo Guddigani uu heysto muddo 3 bilood ah si uu ugu soo gudbiyo Xukuumadda warbixin rasmi ah oo la xariirta habka ugu fudud ee looga hortagi karo falalka liddiga ku ah xuquuqda aadanaha, gaar ahaana Kufsiga, iyo dilalka lagula kaco weriyeyaasha ka howlgala dalka.

“Kufsiga iyo dilka wariyayashu waa laba arrimood oo ah ku xadgudub xuquuda bani’adamka aad ayeeyna noo xanuujinaysaa arrinkaas ka dowlad ahaan maahan mid aanu u dulqaadanayno inay sii socoto” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo xusay in xilligan oo ay Soomaaliya sameyneyso horumar dhan kastaba leh, loona baahan yahay in laga hortago falalkan oo dib u dhigaya horumarka.

“Si aan dadaalkeena u sii kordhino waxaan maanta samaynay Gudigan madaxa banaan oo talo naga siin doona arrimaha la xariira kufsiga iyo dilka wariyayaasha, waa guddi laga sugayo inay keenaan xaqiiqda ku salaysan tacadiyada ka dhacay dalka, talo cadna naga siiyaan wixii keenay falalkan soo noqnoqday” ayuu yiri R.wasaare Saacid oo tilmaamay in sababta guddigan loo magacaabay ay tahay welwelka badan ee ay nagu hayso falalkan ka dhanka ah Xaquuqda Bani’aadamka.

Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Guddoomiyaha Guddigan Drs. Maryan Yusuf Sh. Cali, waxayna sheegtay in muddo 15 sano ah ay ku howlanaayeen difaaca Xuquuqda aadanaha iyo horumarinta Haweenka, “Riyadaydu markasta waxay ka turjumaysaa sidii wax loogu qaban lahaa haweenka oo ah dadka ugu jilicsan Bulshada, lafdhabarna u ah” ayay tiri Drs Maryan waxayna intaas ku dartay inay dadaal u gali doonaan sidii ay u raadin lahaayeen xaqiiqda ku salaysan cida ka danbaysa kufsiga dumarka iyo dilka wariyayaasha. lagana soo diyaariyo warbixin si loogu gudbiyo laamaha sharciga si tilaabo looga qaado.

Ugu danbayntii  Ra’iisal Wasaare “Saacid” ayaa sheegay isaga oo ka faa’iideysanaya fursadan in uu si diiran u soo dhoweeynayo baaqii Xoghayaha Guud ee Q/midoobay Mr. Ban Ki-moon uu ka hor jeediyay Golaha Ammaanka taasoo uu ku dalbanayay in la tixgeliyo codsiga Dowladda ee Qaadista Xayiraada Hubka ee saaran Soomaaliya tan iyo 1992.

Ra’iisal wasaaraha soomaaliya oo maanta ku dhawaaqay guddi madax banaan oo baaritaan ku sameeynaya xadgudubka ka dhanka ah xaquuqda aadanaha.

Xubnaha Gudiga1.

Gudoomiyaha Gudiga

: Drs. Maryam Yuusuf Sh. Cali

2. Gen. Maxamed Xaaji

3. Gen. Cabdikariim Xasan Gorod

4. Garyaqaan: Cabdikariim Daahir Siciid

5. Dr. Cabdulqaadir Xusein Cabdalla

6. Garyaqaan: Zakariye Maxamed Sheekh

7. Xaliimo Jaamac Afrax

8. Faadumo Cali Caliyow

9. Faadumo Axmed Caalin (Cureeji)

10. Cabdulqaadir Ibraahim GacaL

11. Maxamed Xasan Ayow

12. Cabidraxmaan Xasan Warsame

13. Maxamed Cabdisalaan Cabdi

—–DHAMAAD—-

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director, office of the PM

Leave a comment

*

Archives
February 2013
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online