Taariikhda jaamacadda Bariga Afrika Boosaaso iyo heerarkii ay soo martay oo kooban.[Video]

February 10, 2013 - Written by

2413Boosaaso:-Jaamacada Bariga Africa (JBA) waxaa la aasaasay sannadkii 1999-kii, kadib markii koox  aqoonyahanno, culumaa’udiin, ganacsato iyo indheer-garad ahi ay dareemeen in baahi xoog leh loo qabo in la helo tacliin sare oo dabooli karta baahiyaha tacliin iyo xirfad ee mujtamaca. Jaamacadda ayaa hawlaheeda waxbarasho ku bilowday kuliyadaha shareecada iyo maammulka oo markaas baahi xoog leh loo qabay. Taasina waxay keentay, in arday badan soo ka oo baxday dugsiyada sare iyo macaahidda sare ay helaan fursado ay aqoontooda tacliinta sare kor ugu sii qaadaan iyagoon ka teginin waddankooda hooyo. Waxaa kaloo, iyana ka fa’iidaystay fursaddaan dad badan oo horey u soo dhammeeyey waxbarashada dugsiyada sare waqtigii ay jirtay dowladdii dhexe oo aan helinin fursad waxbarasha sare.

Mudadaasi ay jirtayna waxaa sanad waliba ku soo kordhayay kulliyado cusub oo had iyo goor ku imanayay baahida ay bulshadu u qabto aqoonta ay kulliyaddaasi gudbineyso.

Sanadka 2013 oo aannu haatan ku jirno, jaamacaddu waxay leedahay 11 kulliyadood oo kala ah:

  1. Kulliyadda Shariicada iyo daraasaadka Islaamka ama Shariicada iyo Qaanuunka.
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta
  3. Kulliyadda Dhaqaalaha
  4. Kulliyadda Daawada.
  5. Kulliyadda Daawada iyo Xanaanada Xoolaha
  6. Kulliyadda Injineeriya
  7. Kulliyadda Waxbarashada.
  8. Kulliyadda Culuumta Computerka
  9. Kulliyada Culuumta Caafimaadka iyo Kalkaaliyayaasha

10. Kulliyadda Horumarinta Bulshada

11. Kulliyadda shareecada iyo Qaanuunka

Jaamacaddu waxay Furuuc ama laamo ku leedahay inta badan Degmooyinka Wadanka, sida

  1. Faraca Degmada Garoowe
  2. Faraca Degmada Gaalkacyo
  3. Faraca Degmada Qardho
  4. Faraca Degmada Goldogob
  5. Faraca Degmada Buuhoodle
  6. Faraca Degamada Ceerigaabo

 Magaalada Boosaaso waa xarunta JBA, waxaana ku yaalla maamulka JBA iyo sideed kulliyadood oo kala ah:

  1. Kulliyadda Shariicada iyo daraasaadka Islaamka ama Shariicada iyo Qaanuunka.
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta
  3. Kulliyadda Dhaqaalaha
  4. Kulliyadda Daawada.
  5. Kulliyadda Daawada iyo Xanaanada Xoolaha
  6. Kulliyadda Injineeriya
  7. Kulliyadda Waxbarashada.
  8. Kulliyadda Culuumta Computerka

Magaalada Garoowe oo ah caasimadda Puntland waxaa ku yaalla ilaa 6 kulliyadood oo kala ah

  1. Kulliyadda Shariicada iyo daraasaadka Islaamka
  2. Kulliyadda Shariicada iyo Qaanuunka.
  3. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta
  4. Kulliyadda Dhaqaalaha
  5. Kulliyadda Culuumta Computerka
  6. Kulliyadda Horumarinta Bulshada

Waxay kaloo jaamacaddu dooneysaa iney magaalada Garoowe ka furto xafiiska Maamulka jaamacadda iyo xafiiska xiriirka caalamiga ee jaamacmadda maadaama ay magaaladu tahay caasimaddii Puntland dowladdii iyo hayadihii dowliga ay joogaan.

Magaalada Gaalkacayo waxaa ka furan 4 kulliyadood oo kala ah:

  1. Kulliyadda Shariicada iyo Daraasaadka Islaamka
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta
  3. Kulliyadda Culuumta Caafimaadka
  4. Kulliyadda Culuumta Computerka

Magaalada Qardho waxaa ka furan 2 kulliyadood

  1. Kulliyadda Shariicada iyo Daraasaadka Islaamka
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta

Magaalada Goldogob waxaa ka furan 2 kulliyadood

  1. Kulliyadda Shariicada iyo Daraasaadka Islaamka
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta

Magaalada Buuhoodle waxaa ka furan 2 kulliyadood

  1. Kulliyadda Shariicada iyo Daraasaadka Islaamka
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta

Magaalada Ceerigaabo waxaa ka furan 2 kulliyadood

  1. Kulliyadda Shariicada iyo Daraasaadka Islaamka
  2. Kulliyadda Maamulka iyo Maareynta

 Waxaa sidoo kale jaamacadda hoos yimaado macaahid kala duwan oo kala heer waxaana ka mid ah.

  1. Machad Ibnu Xajar Al Casqalaani oo ah machad lagu bartaa culuumta sharciga iyo luqadda carabiga wuxuu leeyahay heerarka kala ah heerka Diplomka oo dugsiga sare ka sareeya, heerka dugsiga sare iyo heerka dugsiga dhexe, wuxuuna ku yaallaa magaalada Boosaaso,
  2. Machadka Dr. Ahmed Xaji Cabdirahmaan oo ah Machad lagu bartaa culuum kala duwan oo ah horumarinta Bulshada iyo maamulka iyo maareynta , wuxuuna leeyahay heerarka kala ah heerka Diplomka iyo heerka dugsiga sare, wuxuuna ku yaallaa magaalada Garoowe
  3. Machadka FTMS oo lagu bartaa luqadda Englishka iyo culuumta Computerka, wuxuuna ku yaalla magaalada Boosaaso
  4. Machadka culuumta Caafimaadka kala duwan oo ah heerka Diplomka wuxuuna ku yaallaa magaalada Boosaaso
  5. Machad Al Furqaan ee culuumta sharciga iyo luqadda carabiga oo la heer ah dugsi sare wuxuu ku yaallaa magaalada Buuhoodle.
  6. Machad Al Huda ee culuumta sharciga iyo luqadda carabiga ee wiilasha ah lana heer ah dugsi sare wuxuu ku yaallaa magaalada Garoowe.
  7. Machad Khadiija ee culuumta sharciga iyo luqadda carabiga  ee gabdhaha ah lana heer ah dugsi sare wuxuu ku yaallaa magaalada Garoowe.

Waxaa Jaamacadda hoos yimaada Cusbitaal weyn oo ah cusbitaalka jaamacadda, kaasoo ka kooban sadax dhisme

  1. Dhismaha 1aad oo ah rugta caafimaadka dhakhaatiirtu fariisato oo bukaanka ku qaabisho waxay ka kooban tahay xafiisyadii dhakhaatiirta, shaybaar , farmashiiye iyo qeybta qalliinka indhaha
  2. Dhismaha 2aad oo ah halka bukaannada la seexiyo oo ka kooban qolalka jiifka bukaanada oo qeybo badan ah, qeybta daawada, qeybta caruurta, qeybta haweenka , sidoo kale dhismaha waxaa ku yaalla laba saalo qalliin iyo qolalka jiifka dhakhaatiirta , dhismaha wuxuu ka kooban yahay laba dabaq.
  3. Dhismaha 3aad waa dhisme loogu tala galay ardayda kulliyadda caafimaadka oo wuxuu leeyahay qalab waxbarashada Online ah oo qalabkaasi wuxuu ku xiran yahay jaamacaadka wadanka India oo casharada proffesors-ku si toos ah looga dhageysanayaa, sidoo kale wuxuu qalabkaasi suura galiyaa in macallinka dhakhtarka ah ee ardayda kulliyadda wax u dhigaa uu si toos ah ula xiriiro dhakhaatiirta macallimiinta ah ee jaamacaadka India si uu ugu sharxo xaaladda caafimaad ee bukaanka ay ardaydu baaritaanka ku sameynayaan oo ay ku tababaranayaan si uu Proffesor kaasi uu talo uga siiyo daaweynta bukaankaasi marka loo sharxo xaaladdiisa caafimaad.

Dhammaan xarunta Jaamacadda iyo Faracyadaasi waxaa dhigta arday ku dhow sedex kun oo arday oo wax ka barta kulliyadaha kala duwan ee jaamacadda, kun iyo dhowr boqol oo kale waxay dhigtaan macaahidda raacsan jaamacadda. Sidoo kale, muddadii ay furnayd waxaa jaamacadda ka qalin jebiyey arday  aad u badan oo wax wayn ku soo kordhiyay guud ahaan bulshada soomaaliyeed, gaar ahaan bulshada  Puntland.

Ardaydii ka qalin jibisay Jaamacadda mudadii ay jirtay waxay ka howl galeen hayadaha iyo wasaaadaha dowladda Puntland , hayadaha iyo ururada caalamiga, sharikadaha iyo goobaha ganacsi ee gaarka ah loo leeyahay ee  wadanka ka jira iyo kuwa iyagu iskood u shaqeystay.

Muddadii ay jirtey jaamicaddu waxay ku tallaabsatay horumar lixaad leh oo la taaban karo. Dhinacyada muuqda ee jaamacadda horumarka ka samaysay waxaa ka mid ah dhanka dhismayaasha, dhanka tirada ardayda iyo dhanka tirada kulliyadaha. Dhinaca dhismayaasha, waxaa muuqata in jaamacadda yeelatay dhismayaal bilic sare leh, beero, jardiinooyin iyo meelo gawaarida la dhigto. Dhanka ardayda, waxaa muuqata in ardayda soo geleysa jaamacadda iyo kuwa ka qalin jebinaya labaduba ay sannadba sannadka ka dambeeya sare u sii kacayeen. Dhinaca kulliyadahana, meesha jaamacadda lagu bilaabay laba kulliyadood, maanta waxaa hoos yimaada kow iyo toban  kulliyadood iyo lix laamood.

Waxaa la orankarayaa JBA, mudadii yarayd ee ay jirtay, waxay gaartay guulo la taaban karo taas oo aan ka magacaabi karayno:

1-    Waxay suurtagalisay in kumanaan arday soomaliyeed ah ay helaan fursad ay aqoontooda waxbarashada sare ku kobciyaan, iyagoo ku sugan waddankoodii hooyo.

2-    Waxay suurtagalisay in jaamacaddu soo saarto aqoonyahano kaalin lixaad leh ka qaatay horimmarinta iyo wax soosaarka dalka.

3-    Waxay soo saartay xubno firfircoon oo bulshada dhexdeeda ka noqday hoggaamiyaal dhinaca diinta, siyaasadda, ganacsiga iyo dhaqankaba.

4-    Waxay kaalin xoog leh ka gaysatay kobcinta iyo tayeynta waxbarashada aasaasiga ah ee dalka.

5-    Waxay dhiirrigalisay is dhexgalka bulshada iyo nabad kuwada noolaanshaheeda kadib markii ay jaamacaddu hoy u noqotay arday Soomaliyeed oo ka kala yimid goballada kala duwan ee Soomaliya.

6-    Waxay bulshada tustay in ay wax badan qabsan karaan haddii  uu jiro rabitaan dhab ah oo qaybaha bulshada ka yimaada.

7-    Waxay dhiirrigalisay in aqoonyahanno badan oo dalka dibaddiisa ku noolaa ay waddanka dib ugu soo noqdaan isla markaasna aqoontii ay soo barteen  ummaddooda uga faa’iideeyaan.

8-     Waxay dhiirrigalisay in ay kordhaan tirada jaamacaddaha kala duwan ee waddanka ku yaala.

9-    Waxay ka qayb qaadatay in la helo cisbitaalo mustaqbalka buuxin kara baahiyaha cilmibaariseed.

10- Jaamacaddu waxay tusaale u noqotay iskufilnaansho ka dib markay ku guulaysatay in ay hirgeliso barnaaamijyadeeda waxbarasho iyadoo aan dawlad iyo hey’ado middoodna ku tiirsanayn.

Hoos ka Daawo Video Taariikh kooban Jaamacada Bariga Afrika

Maamulka Jaamacad Bariga Afrika
Halgan.net , Boosaaso

5 Comments so far

Leave a comment

  1. Maasha Allaah waa guul lagaarey Waxaana leeyahay Ilaahay ha usiyaadiyo, maanta caalamka waxay faafiyaan ceebaheena laakiin masheegaan horumarka wacan ay ummadeena gaartey waa guul noosoo hoyatey..

  2. masha allaaaaaaaaaah waa wax lagufarxo-ilahay ha ka dhigo jamacado kheyrka mid adun iyo mid akhriba lagu barta

  3. manshaa alaah i laahay ha ka abaal mariyo inti u istaagtay oo noo hir galisay hawshaas aadka u baaxad wayn jamacadana i laahay hanoo barakeeyo meesha hada ay maraysana iyo meel kasii sarayso ayaan u rajeenaynaa bi idnilaahi kariim culimaa u diin kii iyo wax garadkii hawshaas u istaag abaalkiina ilaahay baa gudikaro fadligana ilaahay wayne kabacdi i dinka ayuu idiin soo noqon

  4. mashalaa wajamacadaha ugu waaweyn africa mashalaa halagudadaalo hurumarka cilmi baadhista halagu kordhiyo siminarada wacdiyada diinta iyo doodaha cilmiga iyo hurumarka halagu qabto jamacada

  5. mansha’alah waa jamacad hana qaaday safka horena kaga jirta jamacada afrika iyo kuwada wadamaca carabta aqoonteeda yaa la amanay oo aniga waaba arday ka ahaaaa waxaan sonmalida qurbaha u soo jeedinlaha in ay jaamacada taageeraan aqoon iyo dhaqaale labadaba alaah ayaa mahad leh ka dibna culimadii jamacadan as’aastay sida fidiilatul shiikh c/dulqadir nuur faarax.diktoor axmeed xaaji c/dirxmaan diktoor c/dulqadir maxamed c/dala shiikh daahir iyo shiikh yuusuf c/dicasiis iyo culimadii kale iyo intii ka qaybqadatay jazaahumulaah kheeyr ayaan leenahay wax la tabankaro ayey u qabteen umada soomaliyed ee afsomaliga ku hadasha.jamcada waxaan u rajaynaya guul iyo horumar.

Leave a comment

*