Xaflad Qalin Jebin Ardayda Dugsiga Quraanka ee Markazka Dar-ul-Hijra -Toronto(Daawo)

February 14, 2013 - Written by

DSC_0077Toronto:-Waxaa maalinki Axadda ee Febraayo 10-keeda,2013 lagu qabtay xarunta weyn ee Markazka Dar-ul-Hijra –Toronto, Canada xaflad taariikhi ah oo si wacan loo soo agaasimay oo loo qabtay ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Quraanka Markazka muddadi yareyd ee uu furnaa. Ardaygaas oo lagu magacaabo Adam Abdi Hodan waa Allah mahaddiise waxay ku qaadatay in uu ooga qalin jabiyo Dugsiga Quraanka ee xarunta Darulhijra muddo labo sano ka yar.

Xafladdaas oo ay soo agaasimeen macalimiinta Dugsiga ee Markazka waxaa kaloo shahaadooyin kala duwan la guddoonsiiyay ardada kale ee Dugsiga ee heer sare ka gaaray ama dhammeeyay juzazka Quraanka ama culuumta kale ee Islaamiga ah.

Waxaa xusid mudan in ardayga kor ku xusan ee Quraanka dhammeeyay lagu abaal mariyay in loo diro safar cumro ah oo loo wadayo mar dhow masjidka barakeysan ee Makka Al-Mukarama. Waxaan Allah Caza wajalla ooga baryeynaa in wiilkaas oo ay da’diisu tahay 15 jir uu Allah xifdiyo , waalidkiisana(Abdi Hodan & Fadumo Gure) uu ajar ka siiyo tarbiyadaas wanaagsan iyo dadaalkaas dheeriga ah ee ay galiyeen wiilkooda , masha Allah, Allahu Akbar. Sidoo kale waxaa mahad mudan macaliimiinti wax soo bartay Adam, suurtana galiyay in uu muddadaas gaaban ku xufdiyo Quraanka kariimka, galana baalkaas taariikhiga ah “ Ardaygi ugu horreeyay ee ku dhammeeyay Qu’aanka Xarunta Darulhijra Islamic Centre”.

no images were found

Ugu danbeyn waxaan idiinku bishaareyneynaa in uu Markazku u taagan yahay had iyo jeer in uu ka guul gaaro ujeedooyinki loo dhisay oo ay ugu horreyso in uu soo saaro,badbaadiyana jiilki barrito la wareegi lahaa mas’uuliyadda jaaliyaddeena, si ay u gudbiyaan risaalada Diinteena xaniifka ah Insha Allah. Waxaan Allah ka beryeynaa inaan ku sifowna kuwii uu rasuulkeenna(SCW) sheegay ee uu yiri :

“ KAN IDIINKU KHEYR BADAN WAA QOFKA QURAANKA BARTAY,DADKANA BARAAYO”.Qof walba oo muslim ah oo khabarkaan soo gaarana waxaan ka codsaneynaa inuu noo soo duceeyo.

Baarakallahu Fiikum,Walaalkiin

Halkan hoose ka daawo video-ga xafladda :

C/Rashiid Cali Maxamed
Maamulka Markazka Darulhijra- Toronto
info@darulhijra.org

1 Comment so far

Leave a comment

  1. masha allah wa wax wanagsan lagu farxo Ilaahey haidinka abaalmariyo dadaalkina caruurteenane Ilaah hanootoosiyo amin

Leave a comment

*