Abu Yaasir Al-Muqdishi oo Gaaleysiiyey Ururka Al-Shabaab.[Dhageyso]

August 26, 2014 - Written by Editor

ShabaabMuqdisho:-Waxaa mar kale lagu faafiyey barta Intenetka muxaadaro uu leeyahay Sh Abu Yaasir Al-Muqdishi qeybtii labaad oo uu sheegay in uu kaga hadlayo inxiraafka kooxda Al-Shabaab waxaana lagu faafiyey Mareegta Rasminews oo in badan soo bandhigtay qoraalada iyo codad rag ka soo horjeeda Al-Shabaab horeyna uga tirsanaa.  Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa si cad u gaaleysiinaya kooxda Al-Shabaab oo uu ka mid ahaa waxaana ka dheehan kartaa muxaadaradiisa labaad wuxuuna ku celceliyey in Al-Shabaab ay rido iyo gaalnimo ku dhaceen wuxuuna ku tilmaamay amiirka Al-shabaab Axmed Cabdi Godane in uu yahay Dhaaquut.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa muxaadaradaan 2aad waxaa uu ku xusay gaalinamada iyo ridda ay ku dhaceen ururka Al-shabaab iyo Hogaankooda inta u dhexeysay daqiiqada 42 ilaa 47 isagoo sheegay in hogaanka Al-shabaab ay diideen in ay u xukun tamaan Kitaabka Alle ka dib markii khilaaf uu soo kala dhex galay qaar ka mid ah isla hogaanka Al-shabaab
iyo culimadooda ka dibna Maxkamadi Islaamiga ee Al-shabaab ay riday xukun balse arrinkaas ay diideen Hogaanka Al-shabaab gar ahaan Axmed Cabdi Godane ka dibna raggii khilaafsanaa ay maalin cad ku dileen degmada Baraawe halka Sh Xassan Daahir Aweys uu ka baxsaday magaalada haddana uu u xiran yahay  Dowladda Federaalka ee Soomaaliya

Halkan Ka Dhageyso Abu Yaasir Al-Muqdishi oo gaaleysiinaya Al-Shabaab oo kooban

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/prybdsjmqg/Gaaleysiin_abuyasir.mp3]

Ama Halkan Mp3

Hoos ka Dhageyso Muxaadaradii Labaad oo dhameystiran oo uu Abu Yaasir Al-Muqdishi uga hadlayey Inxiraafka Al-Shabaab uuna si cad u gaaleysiinayo Al-Shabaab waana miraha quliwiga

[audio:https://halgan.net/Mp3/Inxiraaf2.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

Ma aha markii ugu horeysay oo uu Abu Yaasir Al-Muqdishi ka hadlo Al-Shabaab waxaana ka mid ah arimaha uu horey uga hadlay

1- Abu Yaasir Al-Muqdisho VS Madaxda Al-shabaab.[Dhagayso].

2-Abu Yasir Al-Muqdishi oo ka hadlay dilkii Cabdirizaq Burundi.[Dhagayso]

3-Abu-Yasir Al-Muqdishi oo sheegay magacyadda raggii dilay Ibraahim Afgaan iyo Macalin Burhaan.[Dhagayso]

4-Abu-Yasir Al-Muqdishi Al-shabaab baa dilay Sh.Dr Axmed Xaaji iyo Sh C/qaadir Nuur Faarax [Dhagayso]

5-Abu-yasir-al-maqdassi-oo-ka-waramay-qaabkii-loo-dilay-ibraahim-afgani-iyo-macalin-burhaan-(dhagayso)

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa sidoo kale waxaa uu leeyahay qormooyin uu kaga hadlay Al-Shabaab waxaana ka mid ah

1-رثاء الأمريكي أبو ياسر المقدشي
2 ليلة استشهاد العلماء أبو ياسر المقدشي
نداء أخير لصيحة نذير أبو ياسر المقدشي3-

Hoos ka dhageyso Muqadimada Muxaadarooyin taxane ah oo Abu Yaasir Al-Muqdishi uga hadlayo Inxiraafka Al-Shabaab

[audio:http://k007.kiwi6.com/hotlink/5295wp1jgj/Inxiraaf_1.mp3]

Amas Halkan Mp3

Ilaa hadda ma jirto cid ka tirsan Al-Shabaab oo ka jawaabtay eedeynta Abu Yaasir uu u jeediyey ururka Al-shabaab iyadoo eedeymahaas qaarkood ay soo baxeen ka dib dilkii culumada Soomaaliyeed ay kula kaceen amniyaadka Al-shabaab iyo cid walba oo fikrkooda guracan diidan.

Abu Yaasir Al-Muqdishi ayaa waxaa uu sheegay in uu ka hadlayo inxiraafka Al-Shabaab taas oo markii danbe uu gaalnimo iyo rido ku tuuray ururka Al-shabaab iyo hogaankooda
taas oo dadka la socda kooxaha ku dhacay Quliwiga ama gaalaysiiyay dadka Muslinka ah ay marka danbe ay iyagu iskula soo noqdaan in ay is gaalaysiiyaan mara danbena ay is dilaan waan  arrina ay in badan ka digayeen cuimada Soomaaliyeed  oo dad badan ay diideen nasiixooyinkooda ama talooyinkooda.

 

C/Casiis Maxamed
Codka, Rasminews
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
August 2014
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online