Culimo Safar Dacwo uga baxay magaalada Garoowe.[Masawiro]

May 27, 2015 - Written by Editor

IMG_1823Garoowe:-Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Garowe iyo wafti uu Hogaaminayo ayaa saaka Safar dacwo ugu Ambabaxay Deegaano hoos yimaada Gobolka Nugaal. Waftigaan ayaa ka ambabaxay magaalada Garowe ee Caasimada Puntland waxaana la rajaynayaa in uu qaato safarkoodu Mudo 6 casho ah mudadaas waxaa la filayaa in ay Xafiisyo dacwo ka soo hirgaliyaan Tuulooyin Iyo Degmooyin .

Waxaana wafigaan hogaaminayay Gudoomiyaha Golaha Fulinta Mu’asasada Al-Minhaaj Xaiiskeeda Garowe Sh.Mukhtaar Axmed Faarax Waxaana ku weheliyay Culimo badan oo ay ka mid ahaayeen.

1.Sh Daahir Cali Shire

2. Sh.Xamse

3. Sh.Dr C/raxmaan Maxamed Abshir

4. Maxamed Yaasiin

Waxayna waftigaan la rajaynayaa in ay soo maraan In k abadan 15 magaalo oo iskugu jira Tuulooyin iyo Degmooyin waxaana ka mid ah Degmada Ayl Iyo Degmada Godobjiraan waxaana si khaasa labaas dagmo looga soo dhisayaa Xafiiska Mu’Asasada Al-Minhaaj ee Dacwada Iyo Horumarinta .

Safarkaan ayaa ahaa mid horey loo sii qorsheeyay maadaama ay ka mid tahay Shaqooyinka Mu’asasada loo sameeyay oo ah in dadka lagaar siiyo Diinta Lanabaro Zunada Nabi (  محمد صلى الله عليه و سلم ). Safarkaan oo Shaqdiisa ka bilaabay Isla maalin tii 1aad Degmada Dangoroyo ayaa lafilayaa In culimada ay jeedin doonaa Muxaadaraad Iyo wacyi gelin guud .

Safarkaan wixii war ah oo ku saabsan waxaan idiin ku soo gudbin doonaa si jogta ah hadii Eebe idmo.

no images were found

Mu’ssadda Al-minhaaj
Garowe,Somalia

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online