Wasaarada Amniga ee DFS oo shaacisay cida dishay Xildhibaan Yuusuf Dirir

May 24, 2015 - Written by Editor

afhayeenMuqdisho:-Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan oo Shir Jiraa’id u qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in DFS ay ogaatay Cida ka danbeysa Dilka Xildhibaan Yuusuf Dirir.

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS ayaa si faahfaahsan waxaa uu u sheegay in dilka xildhibaan Yuusuf Dirir ay ka danbeeyeen Ciidamo ka tirsan Xoogga Dalka waxaana sidoo kale weerarka ku dhaawcmay Xildhibaan Cabdalla Boos.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa yiri  “Gaariga ay wateen Xildhibaanada oo maraya Wadada Maka Al-mukarama ayaa waxaa ka daba yimid Gaariga ay la socdeen Ciidamada Xoogga Dalka oo xowli ku socda Hoon yeerinaya,kadib Gaarigii Ciidamada Milatariga ay wateen ayaa Gaariga Xildhibaanada ku hor jaray gaarigii ay saarnaayeen xildhibaanada kuna furay rasaas waxaana ku dhintay goobta alaha u naxariistee xildhibaan Yuusuf Dirir iyo darwalkii gaariga ”ayuu yiri Afhayeenka Wasaarada.

Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS Maxamed Yuusuf Cismaan ayaa sheegay in DFS ay u saartay Guddi ka kooban 7 Xubnood kuwaas baaritaan degdeg ah ku sameyndoona Dhacdadaan .

Maxamed Yuusuf Cismaan Afhayeenka Wasaarada Amniga Gudaha ee DFS ayaa meesha ka saaray in Xildhibaan Yuusuf Dirir ay dileen kooxda Al-Shabaab.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2015
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online