Madaxweynaha dawladda Puntland oo magaalada Qardho kaga qayb galay shirkii hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed.[Masawiro]

May 24, 2016 - Written by Editor

IMG_9176Qardho:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas oo saaka hiirtii waaberi ka amba baxay magaalada Garoowe ee Caasimadda Dawladda Puntland ayaa gaadhey magaalada Qardho ee xarunta dhaqanka Soomaaliyeed. Ujeedka socdaalka Madaxweynaha ayaa ahaa ka qayb galka shirka madasha wadatashiga hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed oo markii ugu horraysey taariikhda uu gogoshiisa dhigay  Boqor Burhaan Boqor Muuse Boqor Yuusuf boqor Cismaan laguna qabtay maanta oo ay taariikhdu tahay 24-May-2016  magaalada qardho ee xarunta gobolka karkaar.

Shirka Madasha wadatshiga hoggaanka dhaqanka Soomaaliyeed ayaa waxaa kasoo qayb galay in kabadan 110 Isim dhaqameed oo ka kala yimi guud ahaan gobollada dalka Soomaaliya iyo gobolada soomaalida ee waddamada deriska ah sida Kenya, Jabuuti iyo Ethiopia. Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo shirkaasi furay ayaa sheegay in shirkaani aanu wax siyaasad ah xiriir la lahayn balse uu yahay mid ku taxalluqa hoggaamiyayaasha dhaqanka Ummadda Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa usoo jeediyey hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqayeen aayaha iyo mustaqbalka ummadda Soomaaliyeed ee ay laf dhabarta u yihiin isla markaana ay ka fogaadaan wax walba oo dhexdooda khilaaf ka abuuri kara. Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku boorriyey isimadii dhaqanka ee maanta madashii dhaqanka fadhiyey in ay samaystaan hoggaan isla markaana yeeshaan xiriiro joogto ah iyo shirar dheeraad ah si’ay usii amba qaadaan doorkooda hoggaan dhaqameed iyo isku xirka bulshada Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa kula dar-daarmay hoggaamiyayaasha dhaqanka Soomaaliyeed in ay ka shaqeen midnimada ummadda Soomaaliyeed iyo wax walba oo isu soo dhoweynaya shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online