Masaajidda ku yaal magaalada Toronto oo Dallad Midaysa Samaysanaya.[Masawiro]

May 19, 2016 - Written by Editor

IMG-20160519-WA0005Toronto:-Waxaa 17-18/5/2016 xalay iyo habeyn hore ka dhacay Masjidka Abu Hurayra iyo Khalid Ibn Waliid oo ku yaala Magaalada Toronto. Kulamo iyo Muxaadaraad aad u qiimo badan waxaa daadihinayay Culimo badan oo uu hogaaminayay Sh.Mohamed Omar Dirir, Waxaa kale oo ka mid ahaa Culimadaas iyo ducaadda:-

1. Sh Dr Said Mohamed Farah.

2.Sh Abdullahi Jaamac.

3. Sh Abdinur Weerar.

4.Sh Ahmed Xayrdaac iyo Ducaad kale.

Sidoo kale Waxaa kulamadaas si wada jir ah uga soo qayb galay ilaa 7 Masaajid oo ka mid ah masaajida ugu waaweyn ee Jaaliyada Soomaaliyeed ku leedahay Magaalada Toronto oo kala ah:-

1- Khalid ibnu walid

2- Abuu Hurayra Center

3- Ibnu Abbaas

4- Daarul Hijra

5- Sakiina Center

6- Rawdah

7- Al Hikmah

Waxaa lagu heshiiyay laguna ballamay in si wada jir ah oo is kaashi leh looga wada shaqeeyo wixii diinta iyo dadka dan u ah. Warkaasi wuxuu ahaa war aad ay ugu farxeen jaaliyada Somaliyeed ee Toronto oo aad uga caban jiray isku xirnaan la,aanta Masaajida Toronto, Waxaa la isla meel dhigay in Dacwada loo daneeyo oo kala daadsanaanta laga tago, qorshaha la hiigsanayana uu noqdo in DALLAD GUUD loo sameeyo dhammaan Masaajida Jaaliyada.

Waxaa lagu midoobay Guddi ka shaqeeya arrimahaas waxaa Gudoomiye looga dhigay Sh Abu bakar Sh Hussein Maamulaha Masaajidka Khalid, Ku xigeen Bashir Mohamed, Maamulaha Masaajidka Ibnu Abbaas.

Waxaa gudigaas Secretary iyo xiriiriye guud looga dhigay Ustaad Abdul Warsame. Waxaa arintaas xalay looga dhawaaqay Xaflad si wayn loogu soo agaasimay oo ka dhacday Masaajidka Khalid Ibnu Waliid.

Waxaan ALLAAH SWT waydiisanaynaa inuu Tillaabadaas barakeeyo,kana yeelo mid taaba gasha, Intii ka soo shaqaysay iyo intii Aqbashayna ALLAAH SWT miizaanka Xasanaatka u saaro.

Aamiin….Aamiin…….Aamiin..

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online