Agaasimaha guud ee Madaxtooyada Puntland oo Maraykanka Shirar uga qayb galay.[Masawiro]

July 22, 2016 - Written by Editor

13816887_1110167662380968_52076200_nOHIO:-Agaasimaha guud ee Madaxtooyada dawladda Puntland Dr. Deeq Saleebaan Yuusuf oo hawlo shaqo u jooga dalka Maraykanka ayaa maanta ka qayb galay dood cilmiyeed lagu qabtay Jaamacadda Cleveland State University, xilli uu halkaasi ka soconayey shirka Republican National Convention. Ujeeddada doodda ayaa ahayd “Mustaqbalka Dimuqraadiyadda Qarniga” ama “The Future of Democracy in the 21st century“ iyadoona halkaasi si qoto dheer loogu lafo guray hannaanka mustaqbalka Demuqraadiyadda caalamka.

Agaasimaha Madaxtooyada dawladda Puntland ayaa sidoo kale waxa uu ka qayb galay dood cilmiyeed kale oo lagu qabtay mac-hadka International Republican Institute e magaalada Cleveland OHIO doodaas oo lagu qaadaa dhigayey sidii xisbiga Republican-ka u hanan lahaa siyaasadda Mustaqbalka.

Agaasimaha ayaa sidoo kale waxa lagu casumey in uu ka qayb galo shirweynaha xisibiga Republican-ka uga socda magaalada Cleveland OHIO, si uu uga kororsado khibrad iyo waayo aragnimo la xiriirta hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka axsaabta.

Agaasime Deeq ayaa muddada uu ku sugan yahay carriga maraykan ka waxa uu ka qayb geli doonaa shirarkale oo muhim ah, kuwaas oo la xiriira hannaanka dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka dalkaasi maraykanka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online