Hogaamiyaha ururka Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani oo ku dhawaaqay in ay ka baxeen ururka Al-qaacid.[Daawo]

July 28, 2016 - Written by Editor

CodVogOVYAAHeHSSyria:-Hogaamiyaha ururka Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani ayaa waxaa uu maanta si rasmi ah u shaaciyey in ay bedeleen magacii Jabahada Nusra ayna u bedeleen Jabhada Furashada Shaam جبهة فتح الشام isagoo si cad u xusay in ay ka baxeen ururka Al-qaacida waxaan uu amaan kula dul dhacay Hogaanka Ururka Al-qaacida.

Hogaamiyihii hore ee ururka Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani ayaa ku sababeeyey in ka bixitaanka ururka Al-qaacida ay sababtay ka dib markii ay eegeen masalaxadooda khaaska ah ee gudaha iyo in la midooyo awooda ciidan ee kooxaha dagaalka kula jira dowladda Suuriya iyo xulafadeeda si looga adkaado nidaamka uu madaxda ka yahay Bashaar al-asad.

Hogaamiyihii hore ee ururka Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani ayaa waxa kale uu ku sheegay in ka bixitaanka ururka Al-qaacida ay sabab u tahay in la ilaaliyo sidda uu xusay Jihaadka ka socda dalka Suuriya iyo in la ilaaliyo sugida amniga dadka shacabka ah iyo masalaxadooda gudaha ee khaaska ah.

Hoos ka Daawo جبهة النصرة تتجه للانفصال عن تنظيم القاعدة

Hogaankii hore ee Jabhada Nusra ayaa maalmihii danbe waxaa u socday shirar goono gooni ah oo ay ku falanqaynayeen xaalada Syria ka dib markii ay soo baxday in shacabka Syria ay ka biyo diideen kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Suuriya ee taladooda laga hagayo dibadda gaar ahaan ururka Al-qaacida ka dibna xiriiro ay sameeyeen waxaa ay go’aansadeen in aysan ku sii shaqayn karin magaca Jabhada Nusra oo ahaa farac ka mid ah ururka Al-qaacida oo hogaankoodu uu joogo dalka Afgaanistaan.

Hogaankii hore ee Jabhada Nusra ayaa waxaa muuqda in ay ogolaansho ka helleen ururka Al-qaacida una ogolaadeen in aysan ka sii mid ahaan karin ka dib duruufo la soo gudboonaaday oo ay kow ka tahay in aan sabab looga dhigan in reer galbeedku ay duulaan ku soo qaadaan Syria sababna ay uga dhigtaan in ururka al-qaacida uu yahay hadafkooda

Hoos ka dhagayso hogaamiye ku xigeenka ururka al-qaacida كلمة صوتية للشيخ/ أحمد حسن أبي الخير


Hogaankii hore ee Jabhada Nusra ayaa waxaa kale oo siyaasiyiin ka faalooda arrimaha dalka Syria ay sheegeen in arrinkaan ay u sameeyeen in dowladda Ruushka ay u hellin marmarsiyo hor leh oo ay ku sii taageerto dowladda Syria.

Hoos ka Daawo تعقيب الشيخ حسن الدغيم حول تقدير الموقف من فك الإرتباط بين جبهة النصرة والقاعدة.

Waxaa ay dad badan oo odorosa kooxaha hubaysan ee islaamiyiinta ee hubaysan ay sheegayaan in ay ay haddii ay kooxo badan oo ku howl gala magac al-qaacida ama ah farac ka mid ah ay qaadaan talaabada ay qaadeen Jabhada Nusra ayna arrimaha masiiriga ah ay uga danbeeyaan culimada ku xeel dheer diinta Islaamka ayna markaas dagaalkooda ay ku koobaan wixii dalkooda iyo diintooda maslaxad u ah ay dhici karto in ay hellaan taageero badan oo shacabkooda ah ayna si sahlan markaas uga adkaan karnaan gumeystaha duulaanka ku ah dalalkooda.

Hogaamiyaha Jabhada Nusra Abu Maxamed Jowlaani ayaa xusay in hogaankoodu ay go’aan ku gaareen in ay ka baxeen urur weynihii al-qaacida oo ay farac ka mid ah ay ahaayeen sababtuna ay tahay in beesha caalamka ay sabab ay uga dhigateen in duulaan ku soo qaadaan dalka Syria dad badan oo shacab ahna ay ku laayeen

A/cawaale
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online