Madaxweynaha Dawladda Puntland oo kulan la qaatay Golaha Deegaanka Degmada Gaalkacyo.[Masawiro]

July 20, 2016 - Written by Editor

IMG_9195Gaalkacyo:-Madaxweynaha dawladda Puntland  Dr. C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta 20- July 2016 aqalka Madaxtooyada ee Gaalkacyo kulan kula qaatay Golaha Deegaanka ee Degmada Gaalkacyo ee cusub, kulankaas oo isugu jirey dhiirri gelin iyo dar-daaran.

Madaxweynaha ayaa golahaan uga warbixiyey dedaalkii dheeraa ee ay dawladdu ku bixisay sidii loosoo celin lahaa bilicda iyo horumarka magaalada Gaalkacyo, taas oo u baahan in laga sii amba qaado meesha ay dalwaddu soo gaarsiisey.

Madaxweynaha ayaa golahaan ku tilmaamay in ay yihiin maskax cusub isla markaana looga baahan yahay isbeddel mug leh in ka muujiyaan magaalada Gaalkacyo, sidoo kalena ay dedaal dheeraad ah suubiyaan si loo dardar geliyo shaqooyinka culus ee horyaalla.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kula dardaarmay golahaan in ay ka fogaan wax walba oo golaha dhexdiisa ku keeni kara khilaaf iyo tafaraaruq isla markaana caqabad ku noqon kara hawlaha shaqo ee golaha loo igmaday iyo in ay wada shaqay dhow la yeeshaan hay’adaha kale ee shaqooyinka ay wadaagaan oo ay ka mid yihiin Laamaha kala duwan ee Ammaanka iyo maamulka Gobolka.

Madaxweynaha ayaa golahaasi ku boorriyey in ay adkeeyaan ammaanada isla markaana ay xil iska saaraan sidii loo adkayn lahaa hantida dadweynaha ee ay masuulka ka yihiin ayna ka fogaadaan musuq-maasuqa iyo is dabo marinta.

Ugu dambayn xubnaha golaha deegaanka ayaa Madaxweynaha su’aalo la xiriira dar-dar gelinta shaqada, hufnaanta iyo wada shaqaynta golaha deegaanka iyo hay’adaha ay wada shaqayntu kala dhexayso wax ka weydiiyey Madaxweynaha iyadoona uu Madaxweynuhu uga jawaabey golaha dhammaanba su’aalahaasi.

Maalinnimada sabtida ah ee soo socota ayuu golahaani dooran doonaa duqqa cusub ee Degmada Gaalkacyo iyo ku-xigeenkiisa, waxaana looga fadhiyaa laga bilaabo maalinta sabtida ah in ay waajibaadka loo igmaday gutaan.

—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online