Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha oo wufuud caalamia ah oo kala duwan ku qaabilay Muqdisho[Masawiro]

July 23, 2016 - Written by Editor

IB0A1291Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehliyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke ayaa maanta Xarunta Madaxtooyada qaabiley wufuud kala duwan oo ka kala socday caalamka. Waxaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay qaabileen Taliyaha Cusub ee Ciidammada Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ee AMISOM General Cusmaan Subagle oo dhowaan xilkaasi loo magacaabey.

Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika ee Soomaaliya, Ambassador Francisco Caetano Jose Madeira, ayaa Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha u sheegay in General Subagle uu yahay sarkaal khibrad badan leh oo hawsha loo magacaabey si hufan uga soo dhalaali kara.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay gacan buuxda ku siin doonto General Subagle gudashada waajibaadkiisa.
Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale kulan la qaatay Mr Saroj Jha iyo Mr Amara Konneh oo ka mid ah saraakiisha sare ee Bankiga Adduunka ugu qaabilsan barnaamijyada horumarinta ee dalalka colaadaha ka soo kabanaya.

Madaxweynaha ayaa saraakiisahaasi ka socotey Bankiga Adduunka oo uu wehliyo Wakiilka Bankiga Adduunka ee Soomaaliya Mr Hugh Riddell uga warbixiyey xaaladda dhaqaalaha Soomaaliya iyo horumarka laga sameynayo.

Madaxda Bankiga Adduunka ayaa ballanqaadey inay ka go’an tahay inay si buuxda Soomaaliya ula shaqeeyaan, si loo xaqiijiyo inuu dalku ku najaxo barnaamijyadiisa kobaca dhaqaalaha iyo dib u dhiska kaabeyaasha.

Waxaa sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha ay kula la yeesheen saraakiil ka tirsan booliska dalka Mareykanka oo dalka u yimid xoojinta wadashaqeynta ka dhexeysa booliska labada dal.

Saraakiisha ka socotey Mareykanka oo kala ah Hugo McPhee iyo John M. Harring ayaa sheegay in dowladda Mareykanka oo horeyba dhinaca tababarada ka caawineysey Soomaaliya, ay haatan diyaar u tahay inay bilowdo barnaamijyo ay labada dal isku weydaarsanayaan khibradaha shaqo iyo tiknoloojiyadda casriga ah.

——————–DHAMMAAD–——————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online