Masuuliyiinya ka socda dawladda Puntland oo si weyn loogu soo dhoweeyey deegaano hootaga Degmada Ceerigaabo.[Masawiro]

July 16, 2016 - Written by Editor

13663435_1107026482695086_1737424105_oCeerigaabo:-Agaasimaha warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibrii oo uu weheliyo Guddoomiyaha Gobolka Sanaag Maxamuud Ismaaciil Ciyoon iyo saraakiil ciidan oo uu kamid yahay Col. C/waaxid Maxamuud Xasan ayaa safarro shaqo oo isugu jira wacyigelin la xiriirta sidii shacabka gobolka Sanaag uga qayb qaadan lahaayeen sugidda nabadgelyada gobolka ku tegey deegaanada Hadaaftimo, Ceelbuh, Carmale iyo Shimbiraale oo ah deegaano aan ka fogeyn  Degmada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag.

Masuuliyiintaan muddadii ay ku jireen safarkooda waxa ay kala kulmeen dhammaan deegaanadaasi ay gaareen soo dhoweyno aad u heersarreeya  oo ay soo abaabuleen dadka ku dhaqan deegaanadaasi, kuwaas oo lulayey Calanka dawladda Puntland iyo kan Qaranka Soomaaliyeed.

Deegaanada qaybtood oo hoos taga Degmada Ceerigaabo una jira magaalada Ceerigaabo wax ka yar 30km  ayay Masuuliyiintaasi gaareen iyadoo xilligaasi ay ka socodeen dibad baxyo lagaga soo horjeedo dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee uu maamulka Somaliland kawado galbeedka gobolka Sanaag.

Boqollaalkii dadweynaha ahaa ee masuuliyiintaasi ku soo dhoweeyey deegaandaasi ayaa ka codsaday Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xukuumaddiisaba in ay tallaabo sharciya  ka qaadaan kuwa ka shaqaynaya inay khal-khal nabadgelyo darro ka abuuraan dhulka Puntland ee Nabadda iyo xasilloonidu ka jirto.

Agaasimaha Warfaafinta, Wacyigelinta, Hiddaha iyo dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil oo la hadlay boqollaal dadweyne oo ku soo dhoweeyey deegaano kala duwan ayaa gaarsiiyey salaan iyo hambalyo uu ka wadey Madaxweynaha dawladda Puntland, waxaana uu ku boorriyey  in ay la shaqeeyaan ciidamada dawladda Puntland ee ku gaaf-wareeegaya jiidaha hore si’ay u xaqiijiyaan nabadgelyada gobolkaasi.

Ugu dambay, masuuliyiintaan ayaa booqday fadhiisimo ay ciidamada difaaca Puntland ka samaysteen deegaano kala duwan oo dhaca galbeedka gobolka sanaag, waxaana ay masuuliyiintani gaarsiiyeen ciidamada salaan sharaf ay uga wadeen Madaxweynaha dawladda Puntland iyagoona ku ammaanay sida ay ugu heellan yihiin difaaca dalkooda habeen iyo maalinba.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online