Madaxweynaha DFS oo ka tacsiyeeyay geerida S/Guud Maxamed Cali Samantar

August 20, 2016 - Written by Editor

xasan16Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa tacsi u direy qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka geeriyooday Allah ha u naxariistee marxuum S/Guud Maxamed Cali Samantar oo xukuumaddii milateriga ee Soomaaliya ka soo qabtey xilal sare.

Marxuum Samantar oo dalka ka soo noqdey Madaxweyne Ku-Xigeen 1-aad, Ra’iisul Wasaare, iyo Wasiirka Gaashaandhigga, ayaa xalay ku geeriyooday gobolka Virginia ee dalka Mareykanka.

Madaxweynaha ayaa marxuumka ku tilmaamey inuu ahaa shakhsi waddankiisa wax badan oo waxtar leh u soo qabtey.

“Innaa Lillaahi wa Inaa Ileyhi Raajicuun. Anigoo ku hadlaya magaceyga, iyo kan Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaan tiiraanyada la wadaagayaa qoyska, ehelada iyo shacabka Soomaaliyeed geeridan ku timid S/Guud Maxamed Cali Samantar. Waxaa uu ahaa waddani kaalin weyn ka qaatey dhismaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo waagaas noqdey kuwa ugu firfircoon uguna tayo wanaagsan Afrika’’.
Madaxweynaha ayaa marxuumka Ilaahay uga baryey inuu naxariistii janno ka waraabiyo, qoyskii, eheladii iyo shacabka Soomaaliyeed ee uu ka baxayna samir iyo iimaan ka siiyo.

————————DHAMMAAD——————————-
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
Email: daweis@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online