Madaxweynaha Puntland oo Furay Shirka Madasha Iskaashiga dowladgobaleedyada (Masawiro)

October 21, 2018 - Written by Editor

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo ay taariikhdu tahay 21 Oct 2018 Garoowe ka furay shirka Madasha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa Madaxweynaha Puntland kala qayb galay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug, Guddiga GIDXDFS, ergo ka socotey beesha caalamka, ururada bulshada rayid ka ah ee Puntland iyo masuuliyiin kale.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa ugu horay khudbad muhiima ka jeediyey furitaanka shirka, waxaana uu sheegay Madaxweynuhu in shacabka iyo Dowladda Puntland sharaf u tahay in shirkii afraad lagu qabto Garoowe, kaasi oo kusoo beegmaya sanad guuradii Koowaad ee golaha Iskaashiga.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa xusay in jiritaanka Golaha Iskaashiga Dowladdaha Xubnaha ka ah DFS uu ka turjumayo in uu hirgalay nidaamkii Fadaraaliisamka, isla markaana uu rajaynayo inuu sii waaro Goluhu oo jiilba jiil u dhiibo. Madaxweynaha Puntland oo ka hadlaya ajandayaasha Shirka 4-aad ee Golaha Iskaashiga DXDFS ayaa sheegay in lagaga hadlidoono ajandayaal tiro badan oo ay ka mid yihihiin amniga, doorashooyinka iyo arrimo kale.

“Shirka aan maanta isugu nimid dabcan wuxuu ka koobnaan doonaa ajandayaal tira badan oo qaarkood ay yihiin kuwaan hore isaga iman jirney oo ay ugu horeeyaan amniga Soomaaliya iyo doorashooyinka, dabcan Soomaaliya weli waa dhibaataysan tahay, waxaanse rajaynaynaa in maalinba maalinta ka danbaysa ay kasii wanaagsanaato dowladnimadu gaamurto, nabad gelyaduna ay hirgasho, suurta gal ma aha in Soomaaliya oo leh 26,000 kun ciidan SNA ah iyo kuwo ka badan oo Amisom ah ay ka adkaan waayaan tamar laawayaasha arxan laawayaasha ah ee aan lahayn tiro iyo tayo toonna” ayuu yiri Madaxweynaha Dowladda Puntland.

Madaxweynaha Puntland ayaa hoosta ka xariiqay in shirkii London qodabadii la xidhiidhay arrinta amniga aanay waxba ka hirgelin, Madaxweynaha ayaa tibaaxay in shirka diiradda lagu saaridoono doorashooyinka Soomaaliya oo uu Madaxweynuhu cadeeyey in mugdibadani ku jiro hanaankeeda geeddi socod.

“Sidoo kale waxaa wax badan larabaa in laga hadlo arrimaha doorashada 2020 oo ay u muuqato inaanay haysan wadadii saxda ahayd, doorasho hal qof hal cod waxay u baahan tahay in dalku nabad noqdo, xasilo, haddii ay hirgasho xitaa waa muhiim in lagu heshiiyo qaabka ay u qabsoomayso, lakiin in qorshe hal dhinac kasocdaa inaanay suuragelayn inaan isu sheegno weeye” ayuu yiri Madaxweynuha Puntland.

Dhinaca kale Madaxweynayaasha Jubbland Axmed Maxamed Islaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan iyo Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa iyana dhankooda ka hadlay mawqif kooda ku aadan arrimaha amniga, doorashooyinka Soomaaliya iyo awood qaybsiga khayraadka dalka, waxayna hoosta ka xariiqeen in DFS xadgudub ku samaysay jiritaanka iyo qaranimada Soomaaliya maadaama ay waxba kama jiraan ku tilmaameen dawladdihii ka horeeyey ee jiray waxqabadkoodii iyo halkii ay wax soo gaadhsiiyeen.

Ugu danbayn, Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa si raysmi ah u furay shirka Madasha Iskaashida dowladdaha Xubnaha ka ah dowladda Fadaraalka Soomaaliya, wuxuu Alle ‘SWC’ ka rajeeyey in shirka dhammadkiisa ay kasoo baxaan qodobo dan u ah hanaanka geeddi socod ee Soomaaliyeed.

-DHAMMAAD-

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYI-GELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
October 2018
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online