Wasiiro iyo Wasiiro ku xigeen maanta lagu dhaariyey magaalada Garoowe
September 17, 2012 - Written byGaroowe:-Waxaa maanta ka dhacday xarunta Madaxtooyada ee magaalada Garoowe xaflada lagu dhaarinayey Wasiiro iyo wasiiro ku xigeen iyo Wasiirul dowlayaal shalay loo magacaabay xilalkaas. Xaflada dhaarinta ayaa waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.C/raxmaan Faroole, Madaxweyne ku xigeenka dowllada Puntlland Gen. Cabdisamad Cali Shire iyo qaar ka mid ah Golahiisa wasiirada.
Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr. C/raxmaan Faroole oo hadal kooban ka jeediyey Xaflada dhaarinta ayaa waxaa uu sheegay in loo baahan yahay in isbedel ka dhaco hogaanka dowllada Puntlland oo dhalinyarada aqoonta leh ay la wareegaan talada iyo xukunka Puntlland.
Wasiirada iyo wasiiro ku xigeenada la dhaariyey maanta ayaa waxaa ka mid ah
1- Yuusuf Cali Siciid –Wasiir ku xigeenka Shaqada iyo Shaqaalaha.
2- Caasho Maxamed Axmed –Wasiir ku xigeenka Haweenka iyo horumarinta arrimaha qoyska.
3- Axmed Ibraahim Cabdiraxman- Wasiir ku xigeenka Qorshaynta & Xiriirka caalamiga ah.
4- Eng.Maxamuud Caydiid Dirir –Wasiirka Warfaafinta ,Isgaarsiinta ,haddaha iyo dhaqanka.
5- Jaamac Yaasiin Jaamac Wasiir ku xigeenka Waxbarashada.
6- Saleebaan Maxamuud Siciid- Wasiiru dowlaha deegaanka ,dalxiiska iyo duurjoogta.
M_M_Deeq
Halgan.net