Kenya oo sheegtay in ay ciidamo xoojin ah u diri doonto magaalada Muqdisho
November 17, 2011 - Written byNairobi:-Dowlada Kenya ayaa shaaca ka qaaday in ay ciidamo xoojin ah ay u diri doonto magaalada Muqdisho si ay u xoojiso ciidanka AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho kuwaas oo ka kala yimid Ugandha iyo Burundi. Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watangula ayaa ku cadeeyey argtida dowlada Kenya ee ku aadan soo celinta nabadgalyada Soomaaliya mar uu ka qeyb galay saaka barnaamijka Network Africa ee ka baxa BBC-da wuxuna qeexay in dowladiisa ay diyaarisay ciidamo lagu xoojin doono ciidanka AMISOM.
Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya Moses Watangula ayaa mar wax laga weydiiyey sababaha ay u galeen gudaha Soomaaliya wuxuu ku soo koobay in amniga Kenya iyo muwaadiniinteeda uu khatar galay taas oo uusan wax cadeyn ah u keenin.Ururka Al-Shabaab ee ka taliya inta badan gobalada Koonfureed ee Soomaaliya ayaa in badan dib ugu celiyey dowlada Kenya Baabuur iyo qalab badan oo laga soo dhacay wadanka Kenya .
Hadalka Wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Kenya, Moses Watangula ayaa ku beegmay xili shalay ay dowlada Kenya Ugandha iyo DFKM ay sheegeen in ay ku heshiiyeen in ay la dagaalamaan Ururka Al-Shabaab.
C/casiis Maxamed
Halgan.net