Madrasada Islamiga ah ee Al-Nur ee Stockholm oo xafladii ciida u qabtay ardayda iyo waalidiinta madrasada

November 13, 2011 - Written by

Stockholm :-Xaflad si heersare loo soo agaasimay ayaa lagu qabtay magaalada Stockholm taariikhda bishu markay ahayd 08-11-2011, xafladaan oo loogu dabaal dagayay ciida barakaysan ee ciidul adxaaga. Xafladaan oo ka dhacday xarunta  Madrasada Quraanka Kariimka iyo tarbiyada Islaamka ee Al-Nur ayaa waxaa ka soo qayb galay dad isugu jiray arday, waalidiin iyo marti sharaf kale.

Waxaa lagu furtay bilowgii xaflada aayado Quraanka Kariimka ah oo uu akhriyay ardayga magaciisa la yiraahdo Maxamed Cali Daahir. Waxaa ugu horreyntii goobta ka hadlay Sh. Ismacil Siciid oo ka mid ah maamulka Madrasada, isaga oo soo dhaweeyay dhammaan kasoo qayb galayaashii xafladan, ugana mahad celiyay sida wanaagsan ee  ay uga soo qayb galeen xaflada, sidoo kale wuxuu ku dheeraaday ahmiyada wayn ee ay u leeyihiin ciidaha Islamku dadka muslimiinta ah, isaga oo uu xusay  in loo baahan yahay in caruurteena ku kortay dhulalkan la dareensiiyo inay leeyihiin ciido mudan inay u dabaal dagaan kuna farxaan, si ay mustaqbalka ugu koraan iyaga oo uu ku wayn yahay jacaylka islaamka iyo ciidahiisa.

 

Intaa ka dib waxaa bilowday tartamo kadis ah oo dhexmaray afar kooxood oo ka wada tirsan ardayda Madrasada, kooxahaan oo ku tartamay maadooyin kala ah: Quranka Kariimka, xifdiga axaadiista, adkaarta, fiqhiga islaamka, siirada Islamka, taariikhdii islamka, iyo su,aalo la xiriira taariikhda iyo juqraafiga Somalia iyo walibana hal-xiraalayaal Soomaali ah oo aad u soo jiitay kasoo qayb-galayaashii xaflada, iyada oo kooxihii ka  qayb galayna la gudoon siiyay abaal marino kala duwan oo ay aad ugu riyaaqeen.

Ugu danbayntii waxaa goobta ka hadlay maamulaha Madrasada Mudane Guled Mohamed Cali isaga oo u mahad celiyey ardaydii iyo waalidiintii ka soo qayb gashay xaflada, wuxuuna ugu hanbalyeeyay munaasabada ciida barakaysan ee Al- Adxaa, ilaahayna uga baryay in sanadkaan sanadka xiga inuu ku gaarsiiyo nabad iyo caafimaad, ugu danbayntii wuxuu maamuluhu u dardaarmay waalidiinta in ay Madrasada kala shaqeeyaan sidii ay u  gaari lahayd himilooyinka ay hiksanayso oo ah inay soo saarto arday diin iyo aadaab leh.

 

 

Leave a comment

*

Archives
November 2011
M T W T F S S
 123456
78910111213
14151617181920
21222324252627
282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online