3 ruux oo meyd ah oo saaka lagu arkay Koonfurta magaalada Gaalkacyo
February 3, 2012 - Written byGaalkacyo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa sheegaya in saaka waabarigii lagu arkay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ilaa 3 ruux oo meyd ah kuwaas oo ay toogteen ciidamo ka tirsan maamulka Gal-Mudug. 3-da qof ee saaka lagu dilay magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa qabtay ciidamada Amaanka ee maamulka Gal-Mudug kuwaas oo ku soo qabtay markii ay howlgalo sameeyeen ka dib qaraxii lagu weeraray guriga Jen Cabdi Cawaale Qeybdiid taliyihii hore ee ciidanka Booliska DFKM .
Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Gal-Mudug Axmed Max’ed Baasto ayaa xaqiijiyey in dhalinyarada ay dileen ciidanka Galmudug wuxuuna sheegay in lagu degdegay oo la rabay in la baaro ka dibna la keeno Maxkamad. Wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha iyo amniga ee Maamulka Gal-Mudug Axmed Max’ed Baasto ayaa sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen dad rayid ah wuxuuna tacsi u diray eheladii ay ka dhinteen 3-da ruux ee lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
Waxgaradka iyo Maamulka Galmudug ayaa kulan uu haatan uga socdaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug iyaga oo ka wada hadlaya dhacdada ka dhacday saaka Koonfurta Gaalkacyo. Waxaa soo baxaya warar kale oo sheegaya in tirda dadka saaka lagu dilay Koonfurta magaalada Gaalkacyo ay gaarayaan ilaa 5 qof oo uu ku jiro ganacsade caan ka ahaa Koonfurta magaalada Gaalkacyo.
M_M Deeq
Halgan.net