Bayaankii Jamaacada Al-Ictisaam ay ka soo saareen shir ugu soo gabagaboobay magaalada Hargeysa(Akhriso)

February 26, 2012 - Written by

Hargeysa:-Waxaa maalmihii la soo dhaafay gaaray magaalada Hargeysa culimo fara badan oo ka kala yimid gudaha dalka Soomaaliya iyo dibadiisa culimadas oo nadawaad iyo muxaadaro kale duwan ka jeediyey Masaajidda iyo Macaahida ku yaal magaalada Hargeysa, Culimadaan ayaa waxaa ay dhamaantood ka tirsanaayeen ururka Ictisaam waxaan ay shirar gooni gooni ah oo ay qaateen ay ka soo saareen bayaanka ,nuqul ka mid ah Bayaanka culimada oo soo gaaray Shabakadda wararka Halgan.net
Hoos ka eeg bayaankii Xarakada Icitsaam ay soo saareen

bayaan1

 

Halgan.net

10 Comments so far

Leave a comment

  1. culimada alah habarakayo waa inay dadka bararujiyaan waajib saaran weeye dadka inta aan cilmiga lahayn ayaa badan marka culimada waajibka saaran waa inay iska rogaan khayr alla hasiiyo

  2. asc.

    Bayaanka culimaddu aad buu u qiima badan yahay, waxaanse is waydiiyey tolow yuu bayaan maanta anfacayaa, ma wiilasha yar yar ee afduubka loo haysto ee aan xorta ahayn,mise raga meelaha kale laga masruufo ee magaca diinta ayadii ku dumina, misa kuwa ummadda inta maddaxbaad u tihiin lagu yiri warqaddo lasoo qortay lagu dul akhriyey London, Rabise talo ku filan:

    Asalaamu calaykum islaam salaanti bal hooya
    Arligeena dhexdiisa asqaraarbaa ka taaganoo
    Asalkii ummadeena yaa la aaburayaayoo.
    Afkay oodafo wayn rag la eeganyaanoo
    in dheer gaabnidda taalbay ka unuunufayaanoo.
    Agabkii dhulka yaalbay inba meel u rareenoo
    Anigu waan asqaraaroo afkaan jeeniga saaraye
    Ummaddeena qaxaysiyo kuwa uurku xumaadoow
    Isu kaalamaya goor un oo arinkaan falanqeeya
    Asalkeedba aduunyo waa is aamini waydeyoo
    Islaameed iyo gaalo waa is aamini waayoo
    Ashabaab arintiisa waa la aaminiwaayoo
    Ashahaad la dagaalan waa la aaminiwaayoo
    Ahda reer ina suufi waa la aaminiwaayoo
    Amisomna warkeeda aaminaadba mayeeshooy

    Ee isu kaalaya goor uun oo arinkaan falaqeeya
    Ashabaab,ashahaado,ahlusuno waljamaaco
    Ummadii halakeeyoo waa la aaminiwaayee
    Odayaal dhaqameedkoow
    Culimadda ummadeenoow
    Inta eebe hanuunshoow
    Siyaasiga amakaagoow
    dhalinyada irdhowdoow
    Amankaagnayoo yaabnaye
    Allihiina kayaaboo
    Amuurtaan falanqeeyooy

    afareeyda intaasbaan afmeerahayaa
    ee ummaddeena wanaagsaneey arinkaaga ufiirso

    wasalaamu calaykum.

  3. Masha allah dhamaan allaah xafido culumada Ictisaam ..sida wanagsan ey aragtidooda ey u cabireen ..Halgen.net jzkallah kheyr

  4. maansha allah allaha idi xafido

  5. Alayla culimadii Ictisaam waa rag maadaama oo ay fikirkoodii cadaysteen kana sheegayaan warbaahinta ninkastaaba hayska hadlo sidaasi oo kala u isku cadeeya dheh kuwa kalana maxaa yeeshay soomlidu waxay tidhaahdaan : Xalaal iftiin ayaa la qashaa

  6. Allaahu akbar ilaahay ha ilaaliyo culimadaan bayyaanka soo saartey waxa uu isoo xasuusinayaa bayyaankii sanadkii 2009 horraantiisa ay soo saari jireen markii ciidamada cadawga itoobiya naga baxeen ee dalka laga xorreeyey, bayyaan kan oo kale ah ayaa hay,adii culimada soomaaliyeed soo saareen oo ay intaan iyo in kabadan oo si toos ah u taabanayey masiirka ummadda ka hadlayey, xilligaas isaga ahi dagaal kama dhicin kooxihii muqaawamada ee soo halgamay dhexdooda, gaaladuna ugu badnaan 3000 ayaa ahaayeen shacabka soomaaliyeedna 80% wuu isku duubnaa, bayaankaasina ma noqon mid laga faaiideystay oo koox jar iska xoor ah oo iyada keligeed uun iscajabisay ayaa gacanta ku dhufatay, wixii laga kari la,aa ee looga digayeyna maanta ayaa ay gacanta ku hayaan iyagoo gaalo oo dhan dhulka isugu timid shacabkii soomaaliyeedna aanay tabar iyo taag hayn oo midba meel lagu xiray…waxaase kasii yaab badan kooxdii caynkaas ahayd in maanta ay kasii fogaansho badan tahay iyadoo waliba tabar iyo talo aan haynin.

    nin ayaa waxaa laga sheegay markaan tabar hayeyna talo ma haynin, maanta oo aan talo hayana tabar ma hayo, hadda ururka alshabaab tii baa haysata oo wakaas ay magaalooyinkii ay shareecaan ku xukunaa oo waa walaayaat islaamiya ay lahaayeen ay iyaga oo aan xabbad qush ka siinin ka carareen oo dadkii masaakiinta ahaa derdersin loo xirxarayo oo axmaaro u laynayso.. marka culimadaan iyaga ah ee hadda bayyaanka soo saarey waxaa ay la mid yihiin ninkii la hadlayey ruux aan dhago lahayn oo dhegehii suuf gashaday laakiin wallee waxaa dhab ah inay cudurdaar dhameeyeen oo ay yiraahdeen”macdiratan walacallahum yattaquun”

  7. waxaan lee yahay jazaakumu allaahu khayran
    laakiin waa tawjiihaad caam ah qodobadu umaduna waxay ubaahantahay talo rasmi ah

  8. Mahad dhamaanteed
    alaah ayaa iskaleh kadib culumadeena ayaa iskaleh alaah ayaa nooga hadliyay wacdiga iyo waanada guud ee ay noo soojeediyeen maansha alaah aad baanu ugu madcelinaynaa

  9. salaamu Calaykum
    waa bayaan aad u qiimo badan laakiin Soomaali caqligii baa ka tagay gaar ahaan kuwa afka duuban ee dhiiga muslinka raba in ay ku gaaraan xukun

  10. Masha allah, khayr alaha siiyo culumada bayaank so saartay, sido kale walalha halgan.net ilaahay haka abaal mariyo. qodobo dahab lagu qorey ayaa mesha ku qoran ee umada somaliyeed alaha ku anfaco, kuwi wanaaga qaatana alaha ka yeeelo

Leave a comment

*