Been Abuurkii laga sameeyey Shiikh Maxamuud Shible oo daaha laga qaaday.(Cod + Video)

February 7, 2012 - Written by

Shabakadda wararka Halgan.net ayaa ogaatay been abuur lagu sameeyey Shiikh.Maxamuud Shible iyada oo la soo googooyey muxaadaro uu ka jeedshay Shiikhu magaalada Garisa taas oo uu Shiikhu wacdigisa ku soo qaatay dhowr Xadiis oo tusinaysa sida Nebigeen Muxamed Naxariisi korkiisa ha ahaatee  loo siiya Jawaamic Kalimah iyo su,aalo dhowr ah oo Shiikha laga wiidiiyey Ururka Al-Qaacida jamaacada tabliiqa iyo dagaalada ka socda dalka Afgaanistaan , Ciraaq iyo Soomaaliya

Muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible ayaa waxaa la isku dayey in la soo jarjaro oo Sheekh Shible laga sameeyo wax uusan oran taas oo aan ula yaabay markii aan dib u baaray waxaana alle fadligiis ii suurto gashay in aan helo muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible markii aan dhageystay waxaan aad ula yaabay rag culumo iyo ducaad sheeganaya sida ay amaanada cilmiga iyo naqliga uga been sheegeen.

Somaalida ayaa horey waxaa u sheegtay oo tiri wax la eryo been baan u gaabisa Muxaadarada Sheekh Maxamuud Shible ayaa inta la kala reebay waxaa laga dhigay in Sheekh Maxamuud Shible uu yiri Sheekh Usma Bin Laden allaha u raxmadee waa Jaasuus u shaqeeya dowlada Sacuudiga. Sheekh Maxamuud Shible ayaa xili uu jeedinaya Muxaadarada waxaa uu sheegay in qaar ka mid ah ururka Al-Qacida ay yiraah  deen Usmaan Bin Laden in uu yahay Jaasuus Dowllada Sacuudiga u Shaqeeya isagoo soo xigtay oo sheegay in uu hayo qoraal uu Dr. Ayman Dawaahiri qoray uu leeyahay Bin laden waa Jaasuus sacuudiga u shaqeeya  xiligaas oo u ku sheegay Sheekh Shible in ay ahayd 1993-1994 .

Shiikh Maxamuud Shible ayaa waxaa uu muxaadaraan uu ka jeediyey magaalada Gaarisa ku xusay in Guddoomiyihii Jamaacada Jihaad ee Masar Sayid Imaam Shariif qoraalo uu sameeyey dhowr sano ka hor uu ku tilmaamay Dr Ayman in uu yahay Jaajuus halka sidoo kale uu Dr Ayman Dawaahir yiri Sheekheenii Sayid Imaan Shariif waxaa uu ahaa  Jaajuus. arrinkaan ayaa waxaa uu Sh Shible u soo qaatay mar uu tusaalo ka bixinayey kuwa culimada ku tuurada hadal ah waa Jaajuusiin , gaalo bay la shaqeeyaan iyo wax la mid ah.

Muxaadaro jawaab u ah axaadiis lagu qabsaday Sh. Xassan Takar ayaa mar uu ka jawaabaya isaga iyo  wadaad kale oo magaciisa ku sheegay Abu Yasir Al Muqdishi ayaa waxaa muxaadarada dhexdeeda lagu sheegay in Sheekh Shible uu leeyahay Sheekh Binladen baa Jaasuus Sacuudiga u shaqeeya taas na waa been cad iyo buhtaan ay ka sameeyeen Sheekh Maxamuud Shible .

Wax lala yaabo maaha qolo ka dhigatay diin been iyo buhtaan iyo in ay been ka sameeyaan Culimada Soomaaliyeed waxaana u danbeysay beentii ay ka sameeyeen Sheekh C/qaadir Nuur Faarax taas oo ay yiraahdeen wuxuu u mahad celiyey Mahiga waloow qaar ka mid ah ay been taas ka laabteen markii  Halgan.net ay keeneen khudbadii Sheekh C/qaadir Nuur Faarax oo Maqal iyo Muuqal ah  balse waxaa la sugi doonaa ma ka laaban doonaan beenta ay hadda ka sameeyeen Sheekh Maxamuud shible  iyo culimada kale.

Waxaan ku soo afmeerayaa qoraalkeyga Axaadiista ay isku heystaan Culumada iyada dhex gali maayo oo culumada ayey u taal laakiin ha ogaadeen kuwa culumada beenta ka sheegaya in beentooda laga daba tagi doono xisaabtii aakhirana ay u danbeyso.
Hoos ka fiirso Muxaadaradii Sh Maxamuud Shible ka jeediyey Gaarisa ee la soo kala jaray qayb ka mid ah ka dib laga sameeyey in uu isagu yiri Sh Usama Ibnu Ladin allaha u raxariistee waa Jaajuus caamil ah oo dowllada Sacuudiga u Shaqeeya

 

Hoos ka Dhagayso Muxaadaradii Shiikh Shible ka jeediyey magaalada Gaaris oo dhamaystiran

[audio:http://www.halgan.net/Mp3/sh shibil.mp3]  Halkaan ka rogo Mp3

 

Qoraalka waa isku soo dubariday
Cabdicasiis Maxamed Faarax
Halgan.net, Nairobi

 

Leave a comment

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online