Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada B/weyne oo qarax lagu weeraray

February 1, 2012 - Written by

Hiiraan:-Ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa maanta waxaa lagu weeraray miino kuwa dhulka la galiyo ah xili ay ka wadeen howlgalo xaafadda Xaawo-taako qaraxa ka dib ayaa ciidamada Itoobiya waxay xireen isku socodka B/weyne.

Qaraxa lagu weeraray ciidamada Itoobiya ayaa sababay khasaaro kala duwan oo soo gaaray ciidamada Itoobiya ,qaraxa ka dib ayey waxay fureen ciidamada Itoobiya rasaas badan waxaana ku dhintay ilaa  8 qof oo rayid ah oo ay jirto haween waayeel ah iyo macalin wax ka dhiga dugsiyada B/weyne.

Qaraxan ayaa wuxuu noqonayaa kii labaad oo ciidamada Itoobiya lagu weeraro magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan muddo hal isbuuc gudaheed ah.

Afhayeenka Ururka  Al-shabaab ayaa sheegay inay mas’uul ka yihiin qaraxii saakay lagula weeraray ciidamada Itoobiya ee ku sugan magaalada  Baladweyne isaga oo sheegay in ay khaasro gaarsiiyeen .

Cabdi Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online