Ciidamada Kenya iyo Huwanta la socota oo qabsaday Degmada Badhaadhe

February 2, 2012 - Written by

Kismaayo:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Kismaayo ee xarunta gobalka J/hoose ayaa sheegaya in maanta uu dagaal culus ka dhacay Degmada Badhaadhe dagaalkaas oo u dhexeeya ciidamada huwanta oo ay taageerayaan ciidanka dalka Kenya iyo ciidamada Ururka Al-shabaab dagaalka ayaa waxaa uu socday in ka badan 3saac .

Dagaalka ka dhacay Degmada Badhaadhe ayaa waxaa ka qeyb qaatay diyaaradaha dagaalka ay leeyihiin ciidanka dowlada Kenya waxaana markii uu socday in mudo ah dagaalka Degmada Badhaadhe ka baxay ciidamada Al-Shabaab iyaga oo u baxay duleedka Degmada.

Gudoomiyaha Ururka Raaskambooni Sheikh Axmed Madoobe  ayaa xaqiijiyey inay Badhaadhe ay qabsadeen, isagoona ku goodiyey in dagaalka ay sii wadi doonaan inta ay gobalka J/hoose ka saarayaan Ururka al-Shabaab.Dagaalka maanta ka dhacay Degmada Badhaadhe ayaa waxaa uu sababay khasaaro leh dhimasho iyo dhaawac iyo barakac baahsan iyada oo ay dadweynihii ay ilaa shalay ka qaxayeen Degmada Badhaadhe.

Dhanka kale Afhayeenka ciidanka militariga dalka Kenya Emmanuel Chirchir  ayaa sheegay in ciidamadooda iyo kuwa huwanta ah ay  qabsadeen degmada Badhaadhe mar uu la hadlay warbaahinta dalka Kenya wuxuuna xusay in dagaal culus ka dib ay qabsadeen Degmada Badhaadhe .

Cabdi Naasir Cali (Cabdi  Yare )
Kismaayo

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online