Golaha Wasiirada ee DFKM oo maanta kulmay iyo Warsaxaafadeed laga soo saaray

February 16, 2012 - Written by

Muqdisho:-Shirkii caadiga ahee ee Golaha Wasiirada ayaa maanta waxaa shir-guddoominayey Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xuseen Carab Ciise, waxaana looga hadlay arimaha amniga, warbixin laga dhageystay Ra’iisul Wasaarihii hore ee Norway, magacaabis Taliyaha Ciidanka Asluubta, siyaasadda Isboortiga dalka, warbixinno laga dhageystey wasiiro iyo shirka London iyo in cunaqabateynta laga qaado dalka.

Ugu horreyntii waxaa golaha warbixin siiyey Ra’iisul Wasaarahii hore ee Norway Kjell Bondevik oo ka sheekeeyey waayo aragnimadiisa markii uu Ra’iisul Wasaare ahaa oo uu hoggaaminayey 3 xisbi oo xukuumadda ku wada jiray kuwaasoo aad u kala fikir duwanaa. Waxuu sheegay in kalsooni laga dhex-abuuro dowladda dhexdeeda inay muhiim tahay sheegeyna furaha guusha inay tahay kalsooni abuurista iyo xiriirka joogtada ah. Sidoo kale waxuu xusay 5 arrin oo muhiim u ah siyaasadda oo kala ah Wadatashi, Xiriirin, Wadahadal, heshiis guud oo loo dhanyahay, iyo Isu-Tanaasul.

Waxuu sheegay in shantan qodob ay keenayaan wadajir bulshada dhexdeeda ah. Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ayaa u mahadceliyey Mr Bondevik sheegeyna in golahu ay ka faa’iideysanayaan khibradiisa oo uu la wadaagay goalaha Wasiirada. Waxuuna sheegay in Mr Bondovik uu yahay saaxiib Soomaaliyeed.

Golahu waxey warbixin ka dhageysteen Wasiirada Amniga oo sheegay in horumar ay ciidamada dowladda iyo AMISOM ay ka sameeyeen dhanka ex-control, howlgalkuna uu ahaa mid lagu guuleystay. Golahu waxey isku raaceen in shacabka laga saacido dib-u-dejinta oo beesha caalamka laga codsado inay gar-gaar deg-deg ah la soo gaaraan. Wasiirka Garsoorka & Arrimaha Diinta ayaa golaha soo hor-dhigay musharax si loogu magacaabo jagada Taliyaha Ciidanka Asluubta. Dood dheer ka dib golahu waxuu isku-raacay in Mudane Cabdi Maxamed Ismaaciil loo magacaabo Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed.

Wasiirka Gaadiidka Cirka, Dhulka, Badda iyo Dekedaha ayaa golaha warbixin ka siiyey shuruucda dhul xeebeedka iyo muhiimadda Illaalinta Dhul Xeebeedka oo wasaaraddu ay xaq u leedahay inay iyadu maamusho oo hay’adaha kale ee dowladdu aysan awood u laheen inay bixiyaan Dhul Xeebeedka Soomaaliya.Golahu waxuu isku raacay in guddi heer wasiir ah oo ka kooban Wasaaradaha Garsoorka, Arrimaha Gudaha, Maaliyadda, Howlaha Guud, Arrimaha Bulshada iyo Difaaca ka soo warbixiyo xaaladda dhabta ah si go’aan looga gaaro.

Golahu waxey ku ammaaneen shacabka sidii ay goobaha dowladda u banneeyeen iskuna raaceen in goobaha dowladda inta hartay laga baxo isla markaana aan la bixin karin, lana dhisan karin dhul ka mid ah goobaha dowladda.

Wasiirka Shaqada, Dhalinyarada iyo Isboortiga ayaa golaha u soo gudbiyey siyaasadda Isboortiga Soomaaliya kana codsaday in loo ansixiyo. Dood dheer ka dib, golahu waxey isku raaceen in Wasaaraddu ay dhaqangeliso siyaasadda Isboortiga ee Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta, Boostada iyo Isgaarsiinta ayaa golaha u soo gudbiyey xeerka Isgaarsiinta Qaranka. Xeerkan ayaa ah sharci dheeri-gelinaayo in nidaam dowli ah loo sameeyo adeegyada Isgaarsiinta. Golahu waxey isku raaceen in dokumentiga la soo akhristo ka dibna usbuuca danbe laga doodo si loo ansixiyo.

Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha iyo Wasiir Ku-Xigeenka Maaliyadda ayaa golaha warbixin ka siiyey Shirka London iyo meesha uu marayo iyo in loo baahanyahay in golahu ay aragti mideysan ka qaataan. Golahu waxey isku raaceen in dib-loo dhiso hay’adaha amniga loona helo tasiilaadkii ay u baahnaayeen, in xasilinta degmooyinka iyo gobolada la taageero, in hay’adihii dhaqaalaha la xoojiyo, iyo in dib-u-dhiska dalka laga saacido dowladda. Sidoo kale waxuu ka codsaday golaha inay u codeeyaan in Soomaaliya laga qaado Cunoqabateynta Hubka ee saran. Dood dheer ka dib golahu waxuu isku raacay in Soomaaliya cunaqabateynta laga qaado oo laga codsaday Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey tixgeliyaan codsida Dowladda Soomaaliya, si dib-u-habeyn loogu sameeyo ciidanka Soomaaliyeed oo ay u helaan tasiilaadkii ay u baahnaayeen si Al-Qaeda looga sifeeyo dalka.

Xafiiska Raysul Wasaaraha DFKM

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online