Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey iyo wafdi la socda oo gaaray degmada Jariiban
February 26, 2012 - Written byJariiban:-Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa waxaa ay booqasho ku joogaa degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaana uu kulamo gooni gooni ah uu la qaatay masuuliinta degmada Jariiban iyo Isimada iyo waxgaradaka degmada Jariiban
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa booqasho ku tagay dhamaan xeebaha Degmada Jariiban halkaas oo laga baacsaday Burcadbadeed xarumo ka sameysatay wuxuuna gudoomiyaha amaan u soo jeediyey masuuliinta iyo Ismida Degmada Jabiiran sida xilkasnimada ah ay u sugeen amaanka ayna ula dagaalameen Burcadbadeed.
Gudoomiyaha gobalka Mudug ayaa u balan qaaday Degmada Jariiban in dowlada Puntland ay taageero dhinac walba leh ay u fidin doonto waxaa kale oo goobta ka hadlay waxgarad ka soo jeeda Degmada Jariiban iyaga oo canaan u soo jeediyey dowlada Puntland waxayna ugu baaqeen in ay garab istaagaan shacabka Degmada Jariiban kana kaalmeeyaan dhinacyada amaanka iyo waxbarashada .
Gudoomiyaha gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa sidoo kale booqaday dhamaan xarumaha dowlada ee Degmada jariiban wuxuuna balan qaaday in ay sida ugu dhaqsaha badan u dayactiri doonaan .
Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka mid ah Isimada sida weyn looga qadariyo Puntland ayaa isna soo gaaray Degmada Jariiban waxaana loogu soo dhaweeyey si weyn waxaa ka socda Degmada Jariiban kulamo gooni gooni ah oo looga arinsanayo sugida amaanka gobalka Mudug.
M_M Deeq
Halgan.net