Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Tigey iyo wafdi la socda oo gaaray degmada Jariiban

February 26, 2012 - Written by

Jariiban:-Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) iyo wafdi uu hogaaminaayo ayaa waxaa ay booqasho ku joogaa degmada Jariiban ee gobolka Mudug waxaana uu kulamo gooni gooni ah uu la qaatay masuuliinta degmada Jariiban iyo Isimada iyo waxgaradaka degmada Jariiban

Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey)  ayaa booqasho ku tagay dhamaan xeebaha Degmada Jariiban halkaas oo laga baacsaday Burcadbadeed xarumo ka sameysatay wuxuuna gudoomiyaha amaan u soo jeediyey masuuliinta iyo Ismida Degmada Jabiiran sida xilkasnimada ah ay u sugeen amaanka ayna ula dagaalameen Burcadbadeed.

Gudoomiyaha gobalka Mudug ayaa u balan qaaday Degmada Jariiban in dowlada Puntland ay taageero dhinac walba leh ay u fidin doonto waxaa  kale oo goobta ka hadlay waxgarad ka soo jeeda Degmada Jariiban iyaga oo canaan u soo jeediyey dowlada Puntland waxayna ugu baaqeen in ay garab istaagaan shacabka Degmada Jariiban kana kaalmeeyaan dhinacyada amaanka iyo waxbarashada .

Gudoomiyaha gobalka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac (Tigey) ayaa sidoo kale booqaday dhamaan xarumaha dowlada ee Degmada jariiban wuxuuna balan qaaday in ay sida ugu dhaqsaha badan u dayactiri doonaan .

Garaad Maxamed Cilmi Shirwac oo ka mid ah Isimada sida weyn looga qadariyo Puntland ayaa isna soo gaaray Degmada Jariiban waxaana loogu soo dhaweeyey si weyn waxaa ka socda Degmada Jariiban kulamo gooni gooni ah oo looga arinsanayo sugida amaanka gobalka Mudug.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online