Iska horimaad hubeysan oo ka dhacay Xaafada Horumar ee magaalada Gaalkacyo
February 8, 2012 - Written byGaalkacyo:-Iska horimaad hubaysan ayaa saaka waxaa uu ka dhacay xaafada Horumar ee magaalada Gaalkacyo ee xarun ta Gobolka Mudug , iska horimaadka ayaa qarxay ka dib markii maleeshiyaad beeleed hubeysan oo ay weerar een gaari Tiknika ah oo ay wateen ciidamo ka tirsan Puntlland oo iyagu xaafada Horumar ka wada howl galo ay ku raadi nayaan koox maalmo ka hor ku dilay magaalada Gaalkacy allaha u naxariistee Guddoomi yihii xaafada Isaraac ee magaalada Gaalkacyo, warar kale oo arrinkaas khilaafsan ayaa sheegay in dagaalku uu u dhexeeyey 2-bo maleeshiyaad beeleed.
Iska horimaadka ayaa bilowday 10-kii subaxnimo iyadoo ilaa haatan la maqlayo rasaasta walow ay hadda aad u yaraatay ,ciidamo ka tirsan ilaalada garoonka diyaaradaha ee magaalada Gaalkacyo ayaa aad u adkeeyey amaanka garoonka iyo goobaha ku dhow dhow ka dib markii rasaas wiifta ah ku soo agdhacday agagaarka garoonka diyaaradaha ee Gaalkacyo.
Wararka soo baxaya ayaa sheegaya in ciidanka amaanka ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug ayaa xoojiyey ciidankii howl galka ka wada xaafada Horumar iyadoo rasaasta ay ridayaan ciidan ka iyo maleeshiyaadka hubaysan ay hadda aad u yaraatay ka dib markii ay ciidanku ku faafeen xaafada Horumar, ilaa hadda si cad looma oga khasaaraha ka dhashay iska horimaadka hubaysan ee ka dhacay xaafada Horumar.
Ma jiraan wax war ah oo ka soo baxay madaxda Maamulka Gobolka Mudug ee Puntlland oo ku aadan dagaalka saaka ka dhacay Xaafada Horumar iyo wax sababay dagaalka iyo khasaaraha rasmiga ah ee uu geystay, xaalada magaalada Gaalkacyo ayaa ah mid xasiloon walow dadku ay hadal hayaan sababaha dhaliyey dagaalka saaka dhacay.
M_M_Deeq
Halgan.net