Joornaalka guardian oo kashifay danta dowlada Britain ee ka leedahay dalka Soomaaliya

February 26, 2012 - Written by

London:-Joornaalka Guardian oo ka mid ah Joornaalada ugu waaweyn ee dalka Britain ayaa waxaa uu daboolka ka qaaday danta ay dowlada ingiriiska ka leedahay Soomaaliya waxaana uu daboolka ka qaaday in ay tahay batroolka ku jira Soomaaliya gaar ahaan deegaanada Puntland kaas oo haatan uu socdo  soo saaris tiisa.

Joornaalka Guardian ayaa waxaa uu xaqiijiyey in wada hadal uu dhexmaray wasiirka iskaashiga caalamiga Puntland Cabdul Qaadir Cabdi Xaashi  iyo madax ka tirsan dowlada Ingiriiska waxayna ka wada hadleen sidii dowlada Puntland looga caawin lahaa soo saarida batroolka iyo qeybta laga siin lahaa dowlada Britain.

Joornaalka Guardian ayaa waxaa ka hadlay sidoo kale in dowlada Britain aysan sanooyin badan ka jeesatay dalka Soomaaliya oo ay ka socdeen dagaalo iyo colaad badan balse ay u soo jeesatay haatan markii ay soo baxeen in Puntland laga bilaabay qodista Batrool iyada oo u caalamka walaac ka qabo batroolkii dowlada Iran Batroolka lagu wado in laga soo saaro Puntland ayaa waxaa lagu sheegay in uu noqon doono  4bn barrels (about $500bn worth at today’s prices) .

Halkan ka Akhriso Qoraalkii uu ka qoray Joornaalka guardian damaca dowlada Britain

A/Cawale
Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. waxaa muhiim ah inaan ilaalino midnimadeena iskuna kalsoonaano, wadanka khayr ayaa ka buuxa, sdia patrolka, gaaska, macdanta, xoolala, kaluunka iyo beeraha wadankeenu waa qani laakiin aaway dadkii ka faa`iidaysan lahaa, Ri`walba shilalkii ay isdhigto ayaa lagu qalaa.

  2. Intrest waa wax fiican ee yaa khalad loo fahmin, intrest haduu jirin wax na danayni lahaa majiro. hadda intrest wuxuu noo horseedi doonaa inaan Nabad iyo barwaaqo helno. Adiguba wax kaste waxaad u sameesaa INTREST. waan soo dhaweeynaynaa cid kaste oo naga leh INTERST sababtoo ah waxaa ku jiro faaiido badan.

  3. kheyr aan ilaah ka rajeyno..shidaal hadii laso saaro …fakhrigana lagabaxo…dadku waa walaalo qof walbana shaqodoon buu noqon qorigana waa ladhigahayaa inshaa allaah…waana kasi fiic-naaneeynaa wadamada khaliijka ….ilaahna inagama dhigo sida neyjeeriya …ama meelo kaloo la mid ah…..kheyr aanu rajeeyno.

  4. sheeko waaye soomaalida awal waxeey dhihi jireen ciideena waa qaali oo reer galbeedlka waxeey qaadanaayaan ciideena, hada oo shidaal aan helnay maxaa umaleeyne inaan leenahay.Shiidaal suudanba waa leedahay waana ka gaajeeysantahay, yemen shidaal beey leedahay waana ka gaasheeysantahay, nigeria shidaal beey leedahay waana ka gaajeeysantahay yeeysan kugu soo dhicin shidaal markaad maqasho kii sacuudiga iyo kuweeyt oo kale.

  5. as cl wr waxaan is leeyahay hadalkaas waa xaq waa dhab maxaa yelay waa muuqataa barnaamijkaan batroolka qodista ah.

Leave a comment

*