Ma La Wada Arkay Shirkii London? WQ:Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye
February 27, 2012 - Written byMalcolm X oo markii dambe magaciisa u bedelay Al-Xaaj Maalik Shabaas ayaa yidhi isagoo wax ka sheegaya sida ninka madoobi ugu wax la’aa Ameerikada cad sida hoos ku xariiqan: “I’m not going to sit at your table and watch you eat, with nothing on my plate, and call myself a diner. Sitting at the table doesn’t make you a diner, unless you eat some of what’s on that plate. Being here in America doesn’t make you an American. Being born here in America doesn’t make you an American.” [Malcolm X Speaks, Selected Speeches and Statements; Edited with Prefatory Notes By: George Breitman; P: 26].
Tarjumada hadalkiisuna waa sidan:
“Ma fadhiisanayo miiskaad wax ku cunayso si aan kuu daawado adigoo wax cunaya, iyadoo aanay saxankayga cunto ku jirin, oon haddana is moodo inaan wax cunayo. Inaad fadhiisato miis wax lagu cunayo kuma noqotid qof wax cunaya haddii aanad wax ka cunayn cuntada saxanka ku jirta. Inaad Ameerika joogtaa kaa dhigi mayso Ameerikaan. Inaad Ameerika ku dhalatayna kaa dhigimayso Ameerikaan”.
Hadalkani waxa uu wax badan ka sheegayaa maqane jooga walba oo arinkiisa iyo taladiisu gacanta ugu jirto nin kale. Xaaladda Soomaali dii looga yeedhay Shirkii London ee uu hindisihiisa lahaa Ingiriisku ayaa noocan la mida, waayo inkastooy meesha ka muuqdeen haddana taladooda iyo ra’yigoogu labaduba way ka maqnaayeen miiska talada lagu gooyey.
Barta internetka ee Hiiraan-oline ayaa lagu qoray war dulicdiisu tahay sidan: “Ra’iisul wasaaraha Itoobiya, Meles Zenawi oo markii uu shirku dhamaaday la hadlay warbaahinta ayaa shaki ka muujiyey shirka isagoo sheegay inuu maqlay in warmurtiyeedka shirka laga soo saaray la qoray ka hor intii aan shirka la qaban.”
HOL waxay sheegtay inuu Meles Zenawi yidhi: “”Inkastoo aan rajeynayo in shirkan qodobbada ka soo baxay ay wanaagsan yihiin haddana waxaan maqlay in war-murtiyeedka shirka la qoray intii uusan shirkuba qabsoomin”. [Jimco, Feberaayo 24, 2012 (HOL)] Waxa jira wejiyo kala duwan oo lagu fasiri karo hadalkan ka soo yeedhay Meles iyo ujeedada uu ka lahaa, haseyeeshee, waxa inaga khuseeya xogtan u baahi yay waa inuu kashifay sir ay qariyeen Soomaalidii loogu yeedhay shirkaasi taladiisa hore loo soo go’aamiyay.
Shirka ka hor ayaa waxay saxaafada iyo dadka faaqiday mustaqbalka shirkaasi sii sheegeen arinkan Meles Sanaawi kaga dhawaajiyay. Taasina waxay inoo tilmaamaysaa in waxa keliya ee nimankaasi loogu yeedhay uu ahaa in lagu dul akhriyo go’aano hore loo soo gaadhay iyo in joogistooda laga dhigo shaambad ama tiimbaro beena oo lagu soomaaliyeeyo shirka iyo go’aanadiisa aan lagala tashan.
Sharaxa keliya ee laga bixin karo arinkani waa inuu ahaa afgambi lagu inqilaabayay doonista, talada iyo aayatiinka Soomaalida oo la rabo in loo gacan geliyo shisheeye.
Qof walba oo wax ka yaqaana ama in uun khibrad u leh abjadiyaadka ama (101ka) qaabka, hanaanka, habka iyo dariiqada go’aan qaadashada iyo xallinta mashaakilku (decision–making process and problem-solving techniques), khaasatan sida loogaga dhaqmo dalalka Reer Galbeedka, wuxuu garan karaa in sidii shirkani u dhacay iyo khudbadihii laga akhriyay daaha ka faydayaan in ajandihiisa lagu soo falanqeeyay goloyaal kale, go’aanadiisana lagu soo go’aamiyay kulamo ay albaabadu u xidhnaayeen!
Lama sheegin meel lagaga niqaashay ajandihiisa, lama arag meel loogu codeeyay go’aamadiisa, lamana yaqaano meeshii lagu doortay iyo ciddii dooratay gudiyadii loo saaray dejinta, falanqaynta iyo u codaynta ajandihii iyo go’aamadii shirkani ka soo baxay ee la doonayo in lagu fuliyo dadka Soomaaliyeed.
Miyuuna qaabka shirkani u dhacay xitaa lid ku ahayn diimuqraadiyada Galbeedka oo ku baaqda in go’aanada dadka khuseeyaa u dhacaan qaab shafaafiyad leh oo muuqda oo dadku ka qayb qaataan (system of transparency and public participation). Maxaad u malaynaysaa hadduu arinku khuseeyo dad iyo dal xornimadiisa iska leh, oo dowlado kale ku sameenayaan fara-gelin qaawan oon geedna loogu soo gaban? Taasi miyayna kuu sheegeen munaafaqada Galbeedka iyo siyaasadiisa laba wejiilaha ah? Jawaabtu way caddahay.
Madhaafaanka runtu waxa weeyi in Shirka London uu ahaa afgabmi iyo afduub la doonayay in lagu xado arinka, qadiyada, talada iyo aayatiinka dadka Soomaaliyeed ee Muslinka ah. Ragii ka qayb galayna doorka ay ku lahaayeen maxfalkaasi ma dhaafsiisnayn suudhadhka qaaliga ahaa ay ku labisnaayeen iyo dadaalka xooga leh ay ugu jireen inay ka dhex muuqdaan sawirada sidii rag iyagu arinka gooynayay ama talo ku lahaa! Waxana ku dhaboobaya hadal uu lahaa shaacir Carbeed oo yidhi isagoo tilmaamaya qabiil laga itaal roonaa oo arimahooga la go’aamin jiray iyagoo golaha ka maqan, hadday joogaana laga warsan lagalana tashan:
ويقضي الأمر حين تغيب تيم*** ولا يستــــأذنون وهم شهـــود
WQ: Sh.Maxamed Sh.Cabdiraxmaan Kaariye Faafinta Qoraalada
Sheikha Waxaa ay Gaar u tahay Alyaqiin.com iyo Halgan.net

.gif)

