Madaxdii DFKM ee ka qayb galay shirka Garoowe oo u duulay magaalada Muqdisho

February 18, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa dhawaan ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee Garoowe  wafdi ay kala hogaaminayaan Madaxweynaha DFKM Sh.Shariif iyo Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr Cabdi weli Gaas , wufuudaas ayaa waxaa ay ka koobnaayeen wasiiro Xilibaano , siyaasiyiin iyo qaybo kale duwan oo ka tirsan bulshada rayidka ah. Wafdiga Madaxweynaha DFKM Sh shariif Shiikh Axmed iyo Ra.iisul wasaaraha DFKM Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ku sii sagootiyey Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdi raxmaan Faroole iyo Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire, wasiiro katirsan xukuumada Puntlland ,guddoomiyaha Baarlamaanka Puntlland Cabdirashiid Maxamed Xirsi ,xilibaano iyo Isimo laga tixgeliyo degaanada Puntlland.

Dhinaca kale wafdigii ka qaybgalay shirka wadatashiga wajigiisa labaad magaalada Garoowe una matalayey maamulka Gal-mudug iyo ururka Ahlu sunna ayaa iyagana saaka ka dhoofay garoonka diyaaradaha ee magaalada Garoowe. Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr Cabdiraxmaan faroole iyo wafdi wasiiro ah oob ay ka mid yihiin Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilahi Axmed Jamac Ilkajir ,wasiirka waxbarashada Dr.Cabdi Farax Siciid Juxa ,wasiiru dowlaha qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ah ayaa iyagana u dhoofay dalka Jabuuti iyagoo ku sii jeeda magaalada London oo maalinta khamiista ah uu ka furmi doono shir ay ka sooqayb gelayaan ilaan 50 dowlladood iyo ururo fara badan.

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Gen.Cabdisamad Cali Shire ,guddoomiyaha barlamanka Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi iyo Wasiiro , Xilibaano, waxgarad iyo Isimo ayaa ku sii sagootiyey Madaxweynaha Puntlland iyo wafdigiisa maanta u dhoofay dalka Jabuuti iyagoo ku sii jeeda magaalada London ee caasimada dalka Ingriiska.

 

M_M_Deeq
Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online