Madaxweynaha DFKM Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo gaaray dalka Jabuuti
February 20, 2012 - Written byJabuuti:-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Jabuuti ee xarunta dalka Jabuuti Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa ay u sii gudbi doonaa magaalada London halkaas oo 25 bishan uu ka furmi doon shir looga hadlayo arimaha Soomaaliya
Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed ayaa waxaa si diiran ugu soo dhaweeyey magaalada Jabuuti madax ka tirsan dalka Jabuuti waxaana uu kulan la qaadan doonaa Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle.
Wafdigan uu hogaaminayo Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa la filayaa in uu isla maanta u dhoofo magaalada London ee caasimadda waddanka Britain.
C/casiis Maxamed Cali
Halgan.net