Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamuud Siilaanyo oo ka dhoofay Hargeysa

February 18, 2012 - Written by

Hargeysa:-Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamuud Siilaanyo iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u boqoolay magaalada London, si uu uga qeyb galo shirka lagu gorfeyn doono arimaha Soomaaliya kaas oo ka dhici doona bishan gudaheeda dalka Britain .Madaxweynaha S/land Axmed Siilaanyo ayaa la hadlay saxaafada S/land inta uusan ka dhoofin magaalada Hargeysa waxaana uu sheegay in London uu u tagayo danaha S/land.Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ka mid yahay masuuliinta lagu casumay  shirka London ka dhacay  23 Feberaayo 2012 ee looga hadlayo arimaha Soomaaliya kaas oo ay marti galineyso dowladda Britain waxaana shirkaas ka soo qeyb gali doona in ka badan 50 dowladood.

 

Siyaasiyiinta S/land ayaa ku kala aragti duwan in S/land ay ka qeybgasho Shirka ka dhacaya London iyaga oo siyaasiyiinta S/land qaarkood u arkaan ka qeybgalka Shirka London mid muujinaya in laga noqday gooni isku taaga S/land waxaan shirkaas ka hor yimid Xisbiga uu madaxda ka yahay Madaxweynihii hore ee S/land Daahir Riyaale Kaahin.

C/fitaax Maxamed Cali
Hargeysa
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
February 2012
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
272829  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online