Nadwo diini ah oo caawa ka bilaabatay Masjidka al-Huda ee magaalada Hargeysa
February 24, 2012 - Written byHargeysa:Waxaa caawa si rasmi ugu bilaawday Masjidka Al-Huda ee magaalada Hargeys ee xarunta Maamulka S/land nadwo diini ah kaas oo ay ka soo qeyb galeen culumo kala duwan waxaana nadwada cinwaan looga dhigay الوسطية عند أهل السنة والجماعةwaxaana masjidka soo buuxiyey dadweyne aad u tiro badan.
Nadwada ayaa waxaa ka soo qeyb galay culumada kala ah.
1-Sheekh Maxamuud Abu Sheyba
2-Sheekh Maxamed Shaafici Khaliif
3-Sheekh C/laahi Daahir Jaamac (Cabdalle Baashe) iyo culumo kale
Nadwada caawa ayaa waxay culumada uga hadleen firqooyinka lunsan sida khawaarijta iyo Murji,da iyo dhibaatada ay u geysteen umada Muslinka ah.
Culumada ayaa aad ugu dheeraaday wanaaga Ahlu Suna Waljamaaca iyo in ay muhiim tahay barashada diinta Islaamka iyo ku xirnaanta culumada wakhtiga fitnada.
Halgan.net ayaa idiin soo gudbin doonta muxaadaradka culumada ay ka jeedshaan masaajidada magaalada Hargeysa.